Trump: Aniga iyo Merkel waa nala basaasay

0
Saturday March 18, 2017 - 11:37:56 in by salman abdi
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump: Aniga iyo Merkel waa nala basaasay

    Madaxweyne Trump ayaa markale ku celiyay eedeyntiisa ah in maamulkii Obama uu basaasi jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump ayaa markale ku celiyay eedeyntiisa ah in maamulkii Obama uu basaasi jira

Mar ay xalay asaga iyo hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, si wadajir ah shir jaraa'id ugu qabteen Aqalka Cad, ayaa waxa uu sheegay in labadooda ay ka siman yihiin basaasidda lagu sameeyay.

Maraykanka ayaa sanadkii 2015 qiray in sirdoonkiisa ay dhagaysteen telefoonnada Merkel iyo dadka la shaqeeya.

Mr Trump ayaa dhanka kale beeniyay in sirdoonka Britain ay ku lug lahaayeen basaasidda uu sheegay in lagu sameeyay.

Mr Trump iyo Mrs Merkel ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga labada dal u dhexeeya iyo gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Trump ayaa ku adkeystay in ajendihiisa uu ku hormarinayo danaha Maraykanka aanu ka dhigeyn nin gooni u socod ah:

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa dhankeeda ka hadashay muhiimadda ay leedahay NATO, waxaana ay sheegtay in dalkeeda uu sare u qaadayo miisaaniyadda difaaca.

Xigasho/BBC Somali