Wadoyinka Hal Bowlaha Magalada Muqdisho Oo La Xidhay Iyo Sababta Ka Danbaysay Oo An La Ogayn.

0
Saturday March 18, 2017 - 12:03:08 in by salman abdi
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadoyinka Hal Bowlaha Magalada Muqdisho Oo La Xidhay Iyo Sababta Ka Danbaysay Oo An La Ogayn.

    Muqdisho(AFKA);Sidoo kale ciidamada ayaa xiray wadada Buundooyinka ee toos u gasha Degmada Xamar weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Sidoo kale ciidamada ayaa xiray wadada Buundooyinka ee toos u gasha Degmada Xamar weyne.

Sidoo kale ciidamada ayaa xiray wadada Buundooyinka ee toos u gasha Degmada Xamar weyne.Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-mukarrama iyo wadada Via Liberia ee Degmada Waaberi dhex marta.

Waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka oo lagu jaray qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama, waxaana loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Shacabka isticmaalaya wadadaasi ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya, iyadoo illaa iyo haatan aan la ogeyn ulajeedka wadadan loo xiray.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan sababta loo xiray wadooyinka inay tahay in Magaalada Muqdisho uu maanta soo gaarayo Gudoomiyaha Midowga Afrika



ee dhawaan la doortay.

 

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa looga bartay in waddooyinka magaalada Muqdisho ay xirto marka ay magaalada imaanaya wufuud caalami ah, ama ay dhacayaan shirar caalami ah.

 

Source: Universaltv.