Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaaday Wada Hadalka U Socda Somaliland Iyo Khaatumo In La Taageero.

0
Saturday March 18, 2017 - 15:06:24 in by salman abdi
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaaday Wada Hadalka U Socda Somaliland Iyo Khaatumo In La Taageero.

    Hargeysa(AFKA);Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa cod gacan taag ah waxa lagu meel mariyay in golaha wakiiladu tageero wada hadalka Somalil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa cod gacan taag ah waxa lagu meel mariyay in golaha wakiiladu tageero wada hadalka Somaliland iyo kooxda khaatumo u socda.

Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 44 xildhibaan ayaa guddoomiye baashe waxa uu ku wargaliyay in cod gacanta ah loo qaadayo sidii golaha wakiiladu u taageeri lahaa wada hadalka u socda maamulka khaatumo iyo Somaliland.

"fadhiga golaha waxa ka soo xaadiray 44 mudane 42 mudane waxa ay taageereen wada hadalkii u socday xukuumadda iyo maamulka khaatumo cidi may diidin hal xildhibaan wuu ka aamusay guddoomiyahuna muucodayn,markaas sidaas waxa uu golahu ku taageeray wada


hadalka khaatumo iyo xukuumadda Somaliland u socda.sidaas ayuu yidhi guddoomiye baashe Maxamed Faarax

 

Fadhiga golaha oo socday ayaa xildhibaano ka baxeen waxaan ay guddoomiyaha ku edeyeen inuu ku kacay falal lidi ku ah qaranimada Somaliland iyaga ku tilmaamay inuu koox yar oo gudaha Somaliland rabashado dagaal ka wadda inuu u aqoon saday maamul.