Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka Oo Wada Hadal La Yelanaya Madaxda Dalka Shiinaha

0
Saturday March 18, 2017 - 18:24:39 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka Oo Wada Hadal La Yelanaya Madaxda Dalka Shiinaha

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa waxa uu gaaray waddanka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxda waddankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa waxa uu gaaray waddanka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxda waddankaasi.

Isagoo ka hadlayay Jimcihii waddanbka Kuuriyada Koonfureed, ayuu Mr Tillerson uga digay Pyongyang in jawaab milateri ay suuragal tahay in la qaato.Safarkan oo ah lugtii ugu dambeysay ee uu Tillerson ku marayo Bariga Aasiya, ayaa waxaa hadheeyay walaaca laga qabo barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijka gantaallada ballistic-ga.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Kuuriyada Waqooyi ay u dhaqmaysay si aad u xun, Shiinaha oo ah xillafadiisa ugu weynna aanay wax badan qaban.

Hasayeeshee Beijing ayaa ka digtay in waddada kaliya ee lagu badbaadin karo hub ka dhigista ay tahay wadahadal un.

 

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay sida ay uga soo horjeeddo barnaamijka difaaca gantaalada ee bilowgii bishan uu Mareykanku geeyay Kuuriyada Koonfureed.

 

 

 

Source:-BBCsomali