Tababaraha Kooxda Arsenal Oo Sheegay In Uu Dhawaan Go'aan Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa.

0
Sunday March 19, 2017 - 11:37:37 in by salman abdi
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Kooxda Arsenal Oo Sheegay In Uu Dhawaan Go'aan Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa.

    Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay in uu dhawaan shaaca ka qaadi doono mustaqbalkiisa naadigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay in uu dhawaan shaaca ka qaadi doono mustaqbalkiisa naadigaasi.



Wenger ayaa hadalkan jeediyay ka dib guuldaradii 3-1 ahayd ee shalay galab kasoo gaartay kooxda West Brom, oo ah guuldaradii afaraad ee shantii kulan ee ugu dambeysay kooxdaasi.

Guuldaradaasi ayaa dhalisay cabsi ah in Arsenal ay xilli ciyaareedkan ka mid noqon weydo afarta koox ee ugu saraysa horyaalka Ingiriiska, oo ay ka mid noqoneysay tan iyo sanadkii 1996.

"Waan ogahay waxa aan samayn doono,” ayuu yiri Wenger, oo intaa raaciyay "dhawaan ayaad ogaan doontaan.”

Qandaraaska Wnger ayaa ku eg dhammadka xilli ciyaareedkan, balse waxaa loo soo bandhigay in uu laba sano ee dheeraad ah lasii joogo Arsenal.

Kulanka xigga ee horyaalka Ingiriiska ayaa Arsenal waxa ay 2-da bisha April la dheeli doontaa Manchester City.