Tobanaan Qof Oo Ku Dhimatay Fatahaadda Peru

0
Sunday March 19, 2017 - 11:44:15 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobanaan Qof Oo Ku Dhimatay Fatahaadda Peru

    In ka badan 800 oo degmo oo dalkaasi ka tirsan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 800 oo degmo oo dalkaasi ka tirsan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.


Roobab mahiigaan ah oo da'yay maalmo badan ayaa dhaliyay in webiyada ay jabsadaan, isla markaana uu dumo dhulka qeybo badan oo waddankaasi ah.Dowladda Peru ayaa sheegtay in dad badan 70 qof la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaaddii ugu xumeyd ee sanadahan dalkaasi soo marta.

In ka badan 800 oo degmo oo dalkaasi ka tirsan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Caasimadda Lima ayaa biyo la'aan ahayd tan iyo Isniintii lasoo dhaafay.

Peru iyo dalalka ku xeeran badweynta Pacific ayaa xilligan waxaa ka taagan cimilo ka dhalatay El Nino, taasoo ah in uu sare u kaco heer kulka badda, ayna da'aan roobab lixaad leh.

Khubarada deegaanka ayaa arrintaasi u anaynaya isbedelka ku yimid cimilada caalamka.

 

 

Sources:BBC