Khilaaf Ka Dhex Qarxey Waftigii Xukumadda Ka Tirsanaa Ee Imaaradka Heshiiska Lasoo Galaayay Iyo Wasiir Sacad Oo Iscasilaad Ku Goodiyay

0
Sunday March 19, 2017 - 11:47:56 in by salman abdi
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxey Waftigii Xukumadda Ka Tirsanaa Ee Imaaradka Heshiiska Lasoo Galaayay Iyo Wasiir Sacad Oo Iscasilaad Ku Goodiyay

    Ilo wareed xog ogaal ah ayaa sheegaya in muddo laba cisho ah wadahadalkii Heshiiska Madaarka Berbera ay dib u dhigeen labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraad-ka kadib markii weftiga dhinaca Somaliland ka socday laba qorshe oo kala dwaun hor dhigeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo wareed xog ogaal ah ayaa sheegaya in muddo laba cisho ah wadahadalkii Heshiiska Madaarka Berbera ay dib u dhigeen labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraad-ka kadib markii weftiga dhinaca Somaliland ka socday laba qorshe oo kala dwaun hor dhigeen madaxdii ay kala kulmeen Heshiiska.

Warar Soo Gaadhaya Xafiiska Warqabadka Ee Afkashacabka .comAyaa sheegayaa in wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland la shir tagay qorshe sal-balaadhan oo uu kula gor-gortamayo dalka Imaaraat-ka hase yeeshee ay ka hor timi caqabad ay hore u dhigeen xubnihii mashruucan watay ee uu ka mid-ka ahaa wakiilka Somaliland ee Imaaraat-ka, kaasoo uu hore-ba Sacad u Diidanaa jirtaankiisa sida uu dhawr jeer warbaahinta ka sheegay inaanu jiri wax Heshiis ah, isla markaana aanu Saxeexayn haddii aanay Somaliland dani ugu jirin waxa la dhaafsanayo Madaarka Berbera.


Talaabadda Wasiir Sacad waxa ka hor yimi sida ay ilo wareedku sheegayaan Faysal Cali Waraabe oo dalka UK uga yimi ka qayb galka shirka lagu wadahadlayo, iyadoo la sheegay inay wakiilka Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyaddu u isticmaalayaan inuu Heshiiska taageero, isla markaana la dagaalamo cid kasta oo u fikirta sida ay doonayaan si ka duwan.


Qorsha kooxdaasi waxa ka biyo diiday wasiir Sacad oo qorshe cad oo ka fogaan aragsan kooxdan kale golaha la maraya, kaasoo ku dooday inaanu aqbalayn muhmal in lagu galo Heshiiska, waxaanay doodad hex martay weftiga Somaliland sababtay sida la sheegay in laba cisho dib loo dhigo wadahadalka.


Afjacabka.com

Burco/Office