Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadka Reer Somaliland Ee Ku Geeriyooday, Kuna Dhaawacmay Doonidii Lagu Duqeeyay Biyaha Baabal Mandabka

0
Sunday March 19, 2017 - 11:50:57 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadka Reer Somaliland Ee Ku Geeriyooday, Kuna Dhaawacmay Doonidii Lagu Duqeeyay Biyaha Baabal Mandabka

    Waxa isa soo taraya wararka ka soo baxaya doonidii ay dawladda Sucuudigu ku duqaysay marin biyoodka Baabal-mandab, kuwaas oo hadda la sheegayo in dadka ku geeriyooday ay u badnaayeen reer Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo Lascanod.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa isa soo taraya wararka ka soo baxaya doonidii ay dawladda Sucuudigu ku duqaysay marin biyoodka Baabal-mandab, kuwaas oo hadda la sheegayo in dadka ku geeriyooday ay u badnaayeen reer Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo Lascanod.

Waxa geesta kale jira dad dhaawac ah iyo kuwo aanay waxba soo gaadhin oo badbaaday, kuwii dhaawaca ahaa waxa lagu dabiibayaa cisbitaal ku y aala Yemen, halka kuwii aanay waxba gaadhin xabsiyada lagu xidhay.

Nin ka mid ah dadka dhaawaca ah ee ka badbaaday shilkaas oo ka soo jeeda Somaliya, oo uu Geeska Afrika la hadlay ayaa si kooban u sheegay in masiibo heshay, "Walaal masiibo ayaa na heshay, dhimasho iyo dhaawac ayaan isugu jirnaa ee inta dhimatayna u soo duceeya, inta dhaawaca ahna u soo duceeya.” ayuu si kooban u yidhi wiilkani.

Ninkan dhaawaca ahi wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah, wuxuuse magacaabay dadka geeriyooday qaar ka mid ah oo ay safarkaas ku wada jireen. Dad ka shaqeeya cisbitaalka uu dhaawaca yaalo oo Somali ah ayaa baahiyay magacyadan hoos ku qoran oo ay sheegeen inay isugu jiraan dhaawac iyo dhimasho, kuwaas oo ay dalbadeen in la faafiyo, waxaanay kala yihiin sidan:

1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9:Cabdiraxman hassan mohamoud Dhaawac, kana soo jeeda Lascanod

10:Maareeye Cabdiraxmaan, oo dhaawac ah kana kana soo jeeda laascaabood.

11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana soo jeeda Laascaanood.

12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13:Cabdirisaaq Dayaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15:Ibrahim Ahmed (Dhimasho).