Dab Xooggan oo ka Kacay Istoodhadii Kaydka Shirkadda AL XARBI ee magaalada Burco iyo Dawladda hoose oo ku fashilantay Gurmad ay ka samaysay Bakhtiinta dabkaas +SAWIRO

0
Friday July 04, 2014 - 22:36:04 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Xooggan oo ka Kacay Istoodhadii Kaydka Shirkadda AL XARBI ee magaalada Burco iyo Dawladda hoose oo ku fashilantay Gurmad ay ka samaysay Bakhtiinta dabkaas +SAWIRO

    Dabkan Oo Aan Ilaa Iyo Hadda Damin Ayaa Si Lama Filaan U Qabsaday Xarumo Kayd U ahaa Shirkada Ganacsiga ee All Xarbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabkan Oo Aan Ilaa Iyo Hadda Damin Ayaa Si Lama Filaan U Qabsaday Xarumo Kayd U ahaa Shirkada Ganacsiga ee All Xarbi

Kuwaas Oo U Dhawaa Taallada Shiikh Bashiir Ee Magaaladani Burco ,ama ka soo horjeedka Fagaaraha khayriyadda Burco, Inkastoo Aan Dabkaasi Gaysan Khasaare Nafeed Hadana Waxaa Ku Bur Buray isla markasna ku shufbeelay Hanti Fara Badan Oo Goobtaasi Taalay Waxaana Ay Fashilaad Wayni ka Soo Gaadhay Maamulka Degmada Burco Oo Damdamiskii Soo Gaadhsiin Kari Waayey Si deg Deg Ah, isla markaasna u muuqday kuwo aan u diyaarsanayn xaaladaha noocan ah ee degdega ah,  ayadoona Uu Dabdamiska Dawladda hoose goobta yimi goorr Ay Isku Dhamaatay Hantidii Goobtaasi Taalay oo Dadka reer burco u soo gurmadeen, iyadoo dadweynuhu si weyn u dhaliileen maamulka dawladda hoose, iyagoo dhinaca kale bogaadiyey badhasabka gobolka oo goobta ka hor yimi dawladda hoose isla markaasna gacantiisa ula tagay bakhtiinta Dabkaasi, kana mid ah shacabkii dabka bakhtiintiisa ka qaybqaatay walo gacanta dhaawac yar oo fududi kaso gaadhay.

Bulshada Reer Burco Ayaa Isntooda badani Dabka meel fog ka soo arkay isla markaasna  Soo Buux Dhaafiyey Goobtaasi dabku qabsaday Ayadoona Ay Askartu Ku Kala Kaxayaso Waxaana Ilaa Iyo Hada Dhacaaya Xabado Dhawr Ah Oo AY Ridayaan Ciidanka policeku Si Ay U Kala Kexeeyaan dadkaasi, masuliyiinta gobolka iyo degmada oo ka hadlay shilkani ayaa ka gaabsaday inay jawaab rasmiya ka bixiyaan sababaha keenay dabkan.

Maayarkuxigenka Burco Mr Xoday ayaa isaguna sheegay in dabdamiska dawladda hoose uu Bilaa biyo ahaa markii Dabkani ay ka war heleen isla markaasna uu Biyo doonta, muddada ay masuliyiinta dawladda hoose ku ogaadeen dabka iyo muddadii uu dabdamiskoodu biyaha ku maqnaa ayaa Bakhaarada intooda badani shuf beeleen, iyadoo Booyado Biyo ah oo dad shacabi leeyahay u soo gurmadeen walow badhasabka gobolka sheegay inu isagu dalbay booyadaahaasi biyaha iyo Dabdamiska Wasaaradda Duulista Hawada oo Qayb laxaad leh ka qaatay Daminta dabkaasi.

Dabkii ayaa weli socda gudaha bakhaarada, badhaasabka Togdheer ayaa tilmaamay in mashaqadani ahayd mid aanay reer burco hore uga diyaar garoobin isla markaasna shacabka ugu baaqay in ka tashadaan mashaqooyinka noocan ookale ah sidii looga diyaar garoobi lahaa, waxa uu badhasabku xusay in mashadaqadani ahayd mid culus oo khatarteeda lahayd, haddii an shacab iyo dawlad ba loo kicina khatar badan ku keeni lahayd goobtaasi oo dhan iyo xaafadaha ka ag dhow.


muddo ka badan 4 Saacadood ayuu hadda dabkani socdaa waxanu bilaabay abbaro 7:00 pm Fiidnimo halka imminka oo ay tahay 11:00 aanu weli wada bakhtiyin ee uu hoosta ka ololayo, guud ahaanba xildhibanada golaha deegaanka intooda badan oo goobta ka yimi ayaa ka gaabsaday in falkaasi meesha ka dhacay iyo fashilka ka raacay dawladda hoose ay ka hadlaan, isla markaasna berri u dhigtay arrinkan ka hadalkiisa, Xubno qurbajoog ah oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida loo badbaadin kari waayey khasaaraha baaxadaas leh ee ganacsadaasi ku yimi Hantidiisii oo dhan, dhinaca kale waxa Gurmad xoogan ku jirey Shirkadda Laydhka HECO oo baabuurteedi iyo agabkeedi ba ay ka shaqaynayeen inay la tacaalan sidii anu dabku u sii fidi lahayn, iyo Ciidamada booliska oo heegan buuxa ku jiray isla markaasna dadka ka celiyey goobta dabka oo daku isku soo maqiiqayeen.


Dhacdadan ayaa ahayd dhacdooyinka dabka ka dhasha tii ugu weyneyd ee gobolka ka dhacda isla markaasna fashil intaas leeg uu ka soo gaadho maamulka degmada burco.



Afkashacabka.com

Burco / Office

Contact@afkashacabka.com


HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN OO KU SAABSAN DABKA