Ninkii weeraray askariga Faransiiska ah oo dhiigiisa laga helay daroogo iyo khamri

0
Monday March 20, 2017 - 09:51:38 in by salman abdi
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii weeraray askariga Faransiiska ah oo dhiigiisa laga helay daroogo iyo khamri

    Baaritaan lagu sameeyay ninkii weerarka ku qaaday askarigii ku sugnaa garoonka Orly airport ee magaalada Paris ayaa muujiyay in uu isticmaalay daroogo iyo khamri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaan lagu sameeyay ninkii weerarka ku qaaday askarigii ku sugnaa garoonka Orly airport ee magaalada Paris ayaa muujiyay in uu isticmaalay daroogo iyo khamri.

Ziyed Ben Belgacem oo 39 jir ahaa ayaa la dilay ka dib markii qori madaxa kaga qabtay askari isaga oo sheegaya in uu doonayo in uu u dhinto "illaahay dartii".

Xafiiska dacwad oogaha ee magaalada Paris ayaa sheegay in natiijada dhiigii laga qaaday laga helay daroogooyinka cocaine iyo cannabis.

Halkii litir ee dhiiga Belgacem-na waxaa sidoo kale laga helay 0.93g oo khamri ah taas oo ku dhawaad labo jibaar ku ah heerka la ogolyahay in uu gaari Faransiiska ku dhex wadi karo qofkii cabaa.

Waxaa la sheegay in xabsi dhexdii lagu xagjireeyay, uuna ka mid ahaa dadka ay sida dhaw ula socdeen booliiska Faransiisku.

Dambiyadii uu horay u galay waxaa ka mid ahaa dhac hub loo adeegsaday iyo daroogo sida uu saxafiyiinta u sheegay dacwad oogaha magaalada Paris, Francois Molins.

Nin lagu sheegay in uu dhalay Ziyed oo Axaddii waraysi siiyay Idaacadda Faransiiska ku taalla ee Europe 1 ayaa sheegay wiilkiisu uusan ka camalfali jirin diinta Islaamka isla markaasna uu khamrida cabi jiray.

"Wiilkaygu argagixiso ma ahayn. Mana tukan jirin khamrida ayuuna cabi jiray. Laakiin saamaynta khamrida iyo daroogada cannabis ayaana ah meeshaas oo kale dadka ka tuurta" ayuu aabihii yiri.

Idaacadda Europe 1 ma aysan shaacinin magaca ninka ay waraysteen.

Aabahan ayaa xabsiga laga sii daayay habeenimadii Sabtida, halka Belgacem walaalkii iyo qof ay qaraabo yihiin laga sii daayay ammin dambe oo Axaddii ah.


Xigasho/BBC Somali