Shil geed oo dad badan ku laayay dalka Ghana.

0
Monday March 20, 2017 - 10:00:51 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil geed oo dad badan ku laayay dalka Ghana.

    Dad gaaraya labaatan ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii uu ku dumay geed wayn oo ku yaallay gebi biyo dhac leh oo dalka Ghana ku yaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad gaaraya labaatan ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii uu ku dumay geed wayn oo ku yaallay gebi biyo dhac leh oo dalka Ghana ku yaalla.

Arrintan ayaa ka dhacday Kintampo oo ah goob caan ku ah dalxiiseyaasha, dadka ay dhibaatadu soo gaartay badankooduna waxay ahaayeen arday halkaas ku dabaalanayay, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdega ah.

Waxay u muuqataa in duufaan xoogbadan ay ridday geedkan.

Afhayeenka waaxda dabdamiska ee dalka Ghana Prince Billy Anaglate ayaa sheegay in dhibkani uu ka dhacay biyodhaca Kintampo oo ku yaalla gobolka Brong-Ahafo.

Koox ka kooban booliis iyo dabdemis ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay si ay u badbaadiyaan dadka ku hoos xanibmay geedkaasi.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta Starr News ee dalka Ghana u sheegay in geedku uu soo dumay markii uu billawday roob.

Ghana: "200 oo gaari" oo laga waayay madaxtooyada

Dalka Imaaraadka: Weeraryahan dambi looga dhigay tintiisa

Maxkamadda sare ee Gambia oo dhageysandoonta muranka doorashada

Afrika: Weedhihii Obama een weligood la iloobayn!

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay badankoodu waxay ahaayeen arday ka socotay iskuulka Wenchi Senior High School, kuwa kalana waxay ahaayeen dalxiiseyaal.

Anaglate oo ah afhayeenka dabdamiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 18 arday ay ku dhinteen isla goobta uu shilku ka dhacay labo kalana ay ku dhinteen isbitaalka.

Wuxuu intaas ku daray in 11 ruux oo kale la dawaynayo uuna ka mid yahay qofkii safarkan masuulka uga ahaa iskuulka.

Waxaa jira warbixinno kale oo dadka dhaawaca ah gaarsiinaya 20. Kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalka Kintampo.

Xigasho/BBC Somali