Dagaal culus oo ka dhacay bariga Dimishiq.

0
Monday March 20, 2017 - 10:04:08 in by salman abdi
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo ka dhacay bariga Dimishiq.

    Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dagaal adag la galay xoogag mucaarad ah oo ku sugan bariga caasimadda Dimishiq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dagaal adag la galay xoogag mucaarad ah oo ku sugan bariga caasimadda Dimishiq.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii weerar lama filaan ah ay dagaalyahanno taabacsan Al-Qaacida ku qaadeen meel u dhaw bartamaha caasimadaasi.

Warbaahinta qaranka ee dalkaasi ayaa sheegtay in godad qarsoodi ah oo dhulka hoostiisa mara ay dagaalyahannadaasi adeegsadeen.

Urur fadhigiisu yahay Britain oo si dhaw ula socda colaadda Suuriya, ayaa sheegay in dagaalyahannada ay qarxiyeen laba gaari oo miinaysan, ka dibna ay weerarka ku qaadeen ciidanka dowladda.

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya ayaa lagu soo warramayaa in ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi.

Dadka halkaasi ku nool ayaa loo sheegay in aanay guryahooda kasoo bixin, waxaana la filayaa in ay iskuuladda maanta oo Isniin ah ay xirnaan doonaan.


Xigasho/BBC Somali