Guddoomiye Cirro oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Wajahan Codka 42-ka Ee Hoos Loogu Dhigay Xil Ka Qaadistiisa Iyo Mawqifkiisa Mustaqbal Ee Mansabka Uu Hayo

0
Saturday February 22, 2014 - 00:36:21 in by Super Admin
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Wajahan Codka 42-ka Ee Hoos Loogu Dhigay Xil Ka Qaadistiisa Iyo Mawqifkiisa Mustaqbal Ee Mansabka Uu Hayo

    Guddoomiye Cirro wuxu cadeeyay in mucaaridnimadii xisbigiisa aanay waxba ka badali doonin go'aanka uu ku aqbalay go'aanada ay golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro wuxu cadeeyay in mucaaridnimadii xisbigiisa aanay waxba ka badali doonin go'aanka uu ku aqbalay go'aanada ay golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii..

 

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Cabdiarxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in go’aanka golaha Guurtidu kula simeen labadiisa gudoomiye ku xigeen codka 42-ka ah ee xilka lagaga qaadi karo uu si rasmiya u aqbalay, tilmaamayna in cidkasta oo xil haysa oo dariiq sharciya loo soo maro xilka laga qaadi karo.

Gudoomiye Ciro ayaa sheegay in golahooda Wakiiladu ay iyagu xaq u leeyihiin inay dajistaan tirada codadka xilka lays kaga qaadi karo oo uu sheegay in golahoodu ay samaysan karaan 42 cod iyo 55 cod marka ay doonaan, isagoo intaa ku daray in go’aan kasta oo sharciyada waafaqsan uu aqbali doono.

Waxaanu cadeeyay in mucaaridnimadii xisbigiisa Wadani aanay waxba ka badali doonin go’aanka uu ku aqbalay go’aanada ay golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii ka dhex taagnaa golihiisa Wakiilada.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo aanu wax ka waydiinay ka dib markii golaha Guurtidu ay ku dhawaaqeen go’aanada ay ku soo afjareen khilaafkii golihiisa Wakiilada, isla markaana aanu ugu horayn su’aalnay sida uu u arko codkii 55-ka ee xilka lagaga qaadayay isaga oo hada ay golaha Guurtidu go’aamiyeen labadiisa gudoomiye ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed lala simo 42-ka cod ee golaha wakiiladu ay hore u sharciyeeyeen in xilka lagaga qaado ayaa waxa uu yidhi "42-ka iyo 55-kaba golaha ayaa samaysan kara, markaa wixii go’aana ee ay soo saareen golaha Guurtidu si buuxda ayaanu gole ahaan u aqbalay oo aanu u qaadanay hadda”

Gudoomiye Ciro oo aanu waydiinay go’aankiisan uu ku aqbalay 42-ka cod ee lagula simay labadiisa gudoomiye ku xigeen iyo sida uu u arko inuu quus goyn u yahay cidkastoo ku hawlanayd in jagadaasi laga rido, waxa uu yidhi "Gudoomiyaha, golaha Wakiilada iyo cidkastoo xil qaran haysaba waa la ridi karaa haddii dariiq sharciya loo soo maro, waxaan leeyahay kana waxa uu ku dhamaaday kalsooni. Anigu go’aankana waan aqbalay, go’aan kasta oo sharciyana waan aqbalayaa”

Guddoomiye Cirro wuxu cadeeyay in mucaaridnimadii xisbigiisa aanay waxba ka badali doonin go’aanka uu ku aqbalay go’aanada ay golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii ka dhex taagnaa golihiisa Wakiilada.

Gudoomiyaha Wakiilada mar la waydiiyay waxa uu ka leeyahay in talaabadani ay hoos u dhigi karto mucaaridnimadii xisbiga Wadani waxa uu yidhi "Waxba u dhimi mayso inay sii kordhiso mooyaane”.




Afkashacabka.com

Hargeysa/Office