Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Ghana Oo Soo Dhisay Xukuumadii Ugu Balaadhnayd Qaarada Afrika Iyo Tirada Golaha Wasiirada Oo Lala Yaabay.

0
Monday March 20, 2017 - 21:35:58 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Ghana Oo Soo Dhisay Xukuumadii Ugu Balaadhnayd Qaarada Afrika Iyo Tirada Golaha Wasiirada Oo Lala Yaabay.

    Madaxweynaha dhawaan loo doortay dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa soo dhisay xukuumaduu ugu balaadhnayd ee qaarada Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dhawaan loo doortay dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa soo dhisay xukuumaduu ugu balaadhnayd ee qaarada Afrika.

Madaxweynaha ayaa magacaabay 56 wasiir, 50 wasiir ku xigeeno ah iyo 4 wasiir oo qaabilsanaan doona madaxtooyada dalk, xukuumadaas oo noqonaysa mid mid ka kooban 110 wasiir isla markaana ah xukuumada ugu balaadhan qaarada Afrika.madaxweyne Addo ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban 110 wasiir, taas oo wadanka Ghana ka shaqayn doonta mudada xilka loo doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee dalka Ghana ayaa dhaleecayn xoogan kala kulmay xukuumada tirada beeshay ee uu magacaabay, iyada oo ay si weyn uga soo horjeedsadeen xisbiyada mucaaridka ah


iyo dadka aqoonyahanka ah ee dalka Ghana., balse madaxweyne Addo ayaa si adag u difaacay xukuumada uu soo dhisay oo uu sheegay inay muhiim u tahay dalka, waxaanu xubnaha wasiirada ah ka soo xulay baarlamaanka dalkaasi.

 

Shacabka wadanka Ghana oo tiradoodu lagu qiyaaso 27 million ayaa si weyn ula yaabay xukuumada uu madaxweynuhu soo dhisay.

Madaxweynaha Jaamacadda Central University College, Professor Kwesi Yankah, ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada ee dalka Chana.