Sacad Cali Shire(Wasiirka Arimaha Dibada),Muxuu U Diiday Markii Hore Sexeexa Saldhiga Milatari Muxuuse Xiligan Ku Oglaaday Yaa La Sexeexday Heshiiska Labaad(faallo)

0
Monday March 20, 2017 - 23:14:54 in by salman abdi
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacad Cali Shire(Wasiirka Arimaha Dibada),Muxuu U Diiday Markii Hore Sexeexa Saldhiga Milatari Muxuuse Xiligan Ku Oglaaday Yaa La Sexeexday Heshiiska Labaad(faallo)

    Inkastoo uu si badheedhe ah oo cad u diiday markii hore in uu qalinka ku duugo heshiiskan Saldhiga Millatari sidii uu u sexeexay Heshiiskii DP-World ee Dhinaca Dekedda Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Amuuraha Dibadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo uu si badheedhe ah oo cad u diiday markii hore in uu qalinka ku duugo heshiiskan Saldhiga Millatari sidii uu u sexeexay Heshiiskii DP-World ee Dhinaca Dekedda Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Amuuraha Dibadda

u qaabilsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,waxa dood badan abuurtey halka laga mustafeeyay iyo sida uu markan dambe u aqbaley in uu sexeexo heshiiskan Saldhiga Milatari.

Arinta kale ee sida weyn la isu weydiinayaa waxa ay tahey Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Dibadda Somaliland markii uu sexeexay


Heshiiskii DP-World ee la wareegista Dekedda Berbera waxa dhinaca Imaraadka la sexeexday heshiiskaasi ninka ugu sareeya Shirkada DP-World oo magaciisa layidhaa abu Suldaan kaas oo Warbaahinta lagu baahiyay kadib markii ay heshiiska sexeexayeen labada dhinac haseyeeshee,majiro habayaraatee cid la sexeexday heshiiskan Saldhiga oo dhinaca Dawllada Imaaraadka ku matelaysa oo ka muuqda sawirka marka uu qalinka ku duugayo sexeexa arintaas oo iyaduna dareen badan xambaarsan sababtoo ah waxa su,aal ah oo aan marnaba qarsoonayn waa kuma masuulka Dawllada Imaraadka u sexeexaya Heshiiskan ma Boqorka dalkaasibaa, ma Taliyahooda Guud ee Ciidamaddaa ma dhamaantoodbaa waa su,aal aan wakhtigan jawaab loo haynin haseyeeshee, waxa aynu ka sugi doonaa jawaabteeda hadiiba ay caqilga ka xasuustaan Guud ahaan Warbaahinta Bariiska ka badatey eek a hawlagala Somaliland in Dr Sacad Cali Shire si toos ah loo weydiiyo cida uu a sexeexday heshiiskaasi, iyo sababta uu markan dambe u aqbaley sexeexa heshiiska Saldhiga Milatari ee uu markii hore diidanaa.

 

Sikasta oo ay arimuhu yihiin, waxa kujira xikmad weyn oo u baahan in xaqiiqda lagu lafa guro sababta uu markii hore Wasiirka Dibadda u qaabilsan Xukuumadani u diiday in uu sexeexo heshiiska Saldhiga Milatari iyo sababta uu wakhti xaadirkan u oglaadey kadib markii ay Dubai uwada socdaaleen Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici),iyo xubnaha kale ee uu hogaaminayay,maxaa la ogoleysiiyay maxaase lagu mustafeeyay halkee wax laga tusey halkeebaase lagu badelay fikirkii uu markii hore isku hortaagay,waa Su,aalaha wali xagiisa ku maqan inkastoo ay xaqiiqdoodu soo bixi doonto hadii uu ka jawaabo iyo hadii uu badh la hadhaba.

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)hadhwanaagnews

 

Emailhiiraan2007@gmail.com