Wada Hadalkii U Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaa La filayaa Inuu Wajigiisii Saddexaad Ka Furmo Dalka Jamhuuriyad Djabouti

0
Tuesday March 21, 2017 - 08:22:38 in by salman abdi
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada Hadalkii U Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaa La filayaa Inuu Wajigiisii Saddexaad Ka Furmo Dalka Jamhuuriyad Djabouti

    Wada Hadalkii U Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaa La filayaa Inuu Wajigiisii Saddexaad Ka Furmo Dalka Jamhuuriyad Djabouti Wada hadalkii u socday dawlada Somaliland iyo Khaatumo ayaa la filayaa inuu wajigiisii Saddexaad ka furmo dalka Jam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wada Hadalkii U Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaa La filayaa Inuu Wajigiisii Saddexaad Ka Furmo Dalka Jamhuuriyad Djabouti Wada hadalkii u socday dawlada Somaliland iyo Khaatumo ayaa la filayaa inuu wajigiisii Saddexaad ka furmo dalka Jamhuuriyad Djabouti maalinka barri Ah oo taariikhdu tahay 21.March.2017

Waxaana wararka naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Xalay Ka Soo Kicitimay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Uu Nabad Qab Ku Soo gaadhay Magaalada Djabouti Ee Jamhuuriyada Djabouti Halkaas oo Uu Ku Sii Sugnaa Hogaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii uu hogaaminayey Oo Shalay Soo Gaadhay Magaalada Djabouti.

Waxa Isla Maantaba Bilaabmay kulan Gaara Oo Albaabadu U xidhnaayeen Oo Fooda Isku Dareen Guddoomiye Faysal Iyo Dr Cali Khaliif Galaydh inkasta oo aan wax war ahi ka Soo Bixin.

kulanka ayaa wuxuu ka qabsoomay gegedda Dayuuraduhu Ka Haadeen ee Magaaladda Djabouti.

Halkaas Oo Uu Cali Khaliif Galaydh Ugu ambabaxay Magaalada Dubai Ee Isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo Uu Dhowr Cisho Ku maqnaan doono, isaga oo Ku soo laaban doona intaan shirku dhamaan Goobjoogna ka ahaan doona Gunaanadka shirka.

 

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

 

 

Haddana wada hadaladan ayaa la filayaa inay furmaan maalinka Barri ah,waxaana la filayaa inay wajigan kasoo baxaan qodobo Aad u miisaan Culus oo soo Afmeera khilaafka horseedana Somaliland Loo Dhan yey Oo Lawada Leeyey ,waxaana ay bulshadu u wada dhag taagaysaa natiijada kasoo baxda wada hadaladaasi.

Guul Insha Allah