Cidamada Sirdoonka Maraykanka Oo Xaqiijisay Baadhitaan Ay Ku Hayaan Trump Iyo Ruushka

0
Tuesday March 21, 2017 - 08:26:13 in by salman abdi
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidamada Sirdoonka Maraykanka Oo Xaqiijisay Baadhitaan Ay Ku Hayaan Trump Iyo Ruushka

    Agaasimaha FBI-da Mareykanka, James Comey, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ay baarayaan eedaha sheegaya in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha FBI-da Mareykanka, James Comey, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ay baarayaan eedaha sheegaya in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore.


James Comey, ayaa guddiga mukhaabaraadka ee Kongareeska u sheegay in FBI-du ay baarayaan in uu jiray wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeysay kooxda maamuleysay ololaha doorashada Trump iyo dowladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku gacan seyray eedeymahaasi.

Afhayeenka aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer, ayaa sheegay in baaritaan iyo xaqiiqo la hayo ay kala yihiin labo shey oo kala geddisan.

Haddaba Eric Swalwell, waxa uu ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna xubin ka yahay Guddiga Sirdoonka Kongareeska, waxa uu ku lug lahaa dhageysigii maanta, waxa uuna sheegayaa in Ruushku uu ahaa dhinaca kaliya ee arrintan ka faa'iiday.