Deg Deg;Ciidamada Nabad Galyada Wadoyinka Hargeysa Oo Xabsiga U Taxabay Nin Ay Isku Magac Noqden Madaxwayne Siilanyo

0
Tuesday March 21, 2017 - 15:16:51 in by salman abdi
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Ciidamada Nabad Galyada Wadoyinka Hargeysa Oo Xabsiga U Taxabay Nin Ay Isku Magac Noqden Madaxwayne Siilanyo

    Hargeysa(AFKA);Ciidamada nabad galyada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin ay ku eedeeyeen inuu la magac yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Ciidamada nabad galyada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin ay ku eedeeyeen inuu la magac yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Sida uu Hadhwanaagnews u xaqiijiyey Mukhtaar Cabdi Xaashi oo ka mid ah hawl wadeenada dugsiyada Nuuraadiin, xadhiga macalinkan ayaa yimid ka dib markii uu lacag u soo diray mid ka mid ah macalimiinta ka hawl gasha dugsiga Nuuraadiin oo ay ciidamada nabad galyada wadooyinku ku ganaaxeen gaadhi uu sharci la,aan ku waday.Muwaadinkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Nuuraadiin ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada nabad galyada wadooyinka


ayaa amray in la soo xidho muwaadinka ay isku magaca noqdeen madaxweyne Siilaanyo ee macalinka ah, waxaanu ilaa haatan ku xidhan yahay mid ka mid ah saldhigyada magaalada Hargeysa.

 

Mukhtaar Cabdi Xaashi ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in macalinkan oo dadiisu tahay 40 jir magaciisa rasmiga ahi uu yahay Axmed Maxamed Maxamuud, waxaanu xusay in naanaysta Siilaanyo loo raaciyey wakhtiyadii ay shacabka somaliland u qaxeen xeryihii qaxoontiga ee wadanka Itoobiya.

afkashacabka.com
Hargeysa/Office