Xildhibaano Ku Gacan Saydhay Magacaabista Golaha Wasiirada Somaliya.

0
Wednesday March 22, 2017 - 14:40:43 in by salman abdi
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ku Gacan Saydhay Magacaabista Golaha Wasiirada Somaliya.

    Muqdisho(AFKA)Tiro xildhibaano ah oo katirsan Golaha shacabka Somaliya ayaa shaaciyay inay ka soo horjeedaan golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay raysal wasaaraha Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Tiro xildhibaano ah oo katirsan Golaha shacabka Somaliya ayaa shaaciyay inay ka soo horjeedaan golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay raysal wasaaraha Somaliya.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaadhayso 68 xildhibaan ayaa ku dooday in raysal wasaare Xasan Calk Khayre aanu wax latashiya kala samayn degaanka ay xildhibaanda u yihiin ee ay ka soo jeedaan magacaabista galaha wasiirada ee uu magacaabay.

Xildhibaan Idirs Cabdi Taqtar oo sheegay in uu yahay Afhayeenka Xildhibaannada ku jira Golaha shacabka ee degaanadooda ayaa sheegay in Xildhibaannadooda ay Mooshin kala hortagi doonaan Golaha Wasiirrada cusub.

"68 Xildhibaan ayaa fadhiisatay oo ka soo horjeesatay Magacaabistaan Golaha Wasiirada, dowladda waa awood qaybsi 4.5 ayaa lagu qaybsanaayay, awood qaybsigii anaga aan u heli jirnay dowladihii KMG iyo tan tii ka horeysay oo xitaa aan kula balanay Farmaajo inay lama taabtaan tahay, anaga sideena Wasiirka Maaliyada anaga ayaa iska leh sanadkaan xitaa Ra’iisal Wasaare ku xigeen anaga ayaa iska laheyn, balan aan la galnay ayaa jirtay, balantii ayuu nooga baxay, sidaas oo kale Ra’iisal Wasaaraha albaabka ayuu dadka ka xirtay shaqsiyaad isaga isku dhaw yihiin ama Hay’addo ay isagala soo shaqeyn jireen ayuu magacaabay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar

 Xildhibaan Idiris ayaa Ra'iisal wasaare Kheyre ku eedeeyay in uusan la tashan Xildhibaannada Degaankiisa