Isbarbar dhiga qadiyadaha Somaliland iyo Scotland.

0
Wednesday March 22, 2017 - 15:17:02 in by Super Admin
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbarbar dhiga qadiyadaha Somaliland iyo Scotland.

    Go'aanka maxkamadda aduunka {Hague} ka so saartay qadiyada kasovo mid Somaliland ah ayaa ka horreyn lahayd hadii ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aanka maxkamadda aduunka {Hague} ka so saartay qadiyada kasovo mid Somaliland ah ayaa ka horreyn lahayd hadii ....
hore loo sii wadi lahaa arrintiin adeegsiga Gar-yaqaannada lala heshiiyey”

 

Alex salmond waa siyaasi ay ahayd in ay yaqaannaan siyaasiyiinta mufakariinta iyo wuxufiyiinta Somaliland haseyeeshe waxa ayaan darro ah ilaa ay ka eegaan aaladda internet-ka ma garanayaan Alex salmond waxa uu ahaa wasiirka koowaad ee Dawlad-gobealeedka Scotland isla markaana ah madax xisbiga Scottish national partyee ku guuleystay doorashadii u danbeeysay aqlabiyadii barlamaanka Scotland. Xisbigaas oo muddo ku siman ilaa 1934 u olalaynayey in Scotland ka go’do boqortooyada midawday.

Sannadkii hore ayaa y dawlada Scotland iyo dawlada boqortooyada midawday {UK} ku heshiiyeen afar

qodon oo ka hadlaya in sannadka 2014ka afti laga qaado dadka reer Scotland oo aayahooda ka tashadaan’ si dimoqraaddi ah in ay ugu go’aan boqortooyada midawday oo ay gooni-isku-taaggaan iyo in ay ku sii negaadaan.

Waxa xiise badan leh eerka aftida waxa dejinaya golaha wakiilada ee Scotland, kaas oo ka mi ah qodobbada lagu heshiiyey. Hadda waa tan la goostay in loo wada hadlo, dawlad Somalia iyo Somaliland e ilaa intee ayaa ay ka war hayaan siyaasiyiinta Somaliland muxafid iyo mucaaridba arrimahaas, waxa ay madaxda Somaliland xukuumad, wasiirro,xildhibaanno iyo madax Axsaab ugu socod badan yihiin boqortooyada midawday intaas ayaa gala-baxayaan, wali cidna ma isku dayday in ay xidhiidh la samayso ama aqoon ka raadsato dawlada Scotland iyo xisbigeedaSCOTTISH NATIONAL PARTY? Iska daa in ay xidhiidh la sameeyaan e, waxa qaqtigu kaga laumaa in tay dhextaagan yihiin masaakiinta qaxootiga.

Waa aan la socday wafti Somaliland ah oo la kulmay wasiirkii kowaad ee Ethiopia, Atto Meles Zenawi. Waxa aannu wada –hadalkii ku darnay in {Hague} wixii hadal aannu ku lahayn arrintaas, ayaa dubuq tiri oo uu xiiseeyey markaas ayaa uu nagu yidhi.Waxa aan idinku taageerayaa sharci-yaaqaan reer Ethiopia ah oo aad ugutakhasusay xeerka caalamiga ah oo hada jooga Geneva oo nagala talinaaya xuduudaha iyo shariciyada caamaka balse, uma aan sheegin in aannu heshiish afgarad markaas kula jirno sharkad garyaqaanno ingiriis ah.

Markii maxaakiintu qabsatay muqdisho, ayaa dawlada Ethiopia ruxantay oo waxa ay doontay in maraykanku ku taageero duulimaad lagu qaado maxaakiimta, dabadeed waxa ila so xidhiidhay xafiiska Ethiopia ku leedahay magalada hargeisa inikii haystay , Abdette Dirirbasa,a oo I wayddiiyay warbixinta garyaqaanka dawlada South Africa ka diyaariyey qaddiyada Somaliland, wasiirka arimaha dibada ee dawlada south Africa waqtigaasi, MrsZuma. Qoraalkas ay doonayeen, oo si cad u tilmaamayey in ay Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado, ayaa ay gabbaad iyo qiil uga dhigayaeen ictiraafka Somaliland,kaasoo ay ku xodxodanyeen dawladda maraykanka.

Go’aanka maxkamadda aduunka {Hague} ka soo saartay qaddiyada Kosovo, mid Somaliland ah ayaa ka horreyn lahayd hadii hore loo sii wadi lahaa arrintiina adeegsiga Gar-yaqaanada lala heshiiyey . si kast ha ahaatee waxa nuxurka go’aanka maxkamadda caalimiga uu yahay /Self determination does not contradict international law/. Ama ayaa-ka-tashigu kama horimanaayo ama ma burtinaayo sharciga caalimiga ah ee dalalku wada dhaqmaan, taas oo looga jeeddo hadii Somaliland ay ayaa-ka-talin y ku heshiyaan Somalia ay ka qabsoonto, waa la ictiraafi karaa.

Hadaba 48 David Cameron iyo William Hague ma la weyddiiyay hadii ay Scotland oo 300 ka mid ahayd boqortooyada midawday u oggolaadeen ayaa-ka-talin, maxay ka qaban ayaaka talinta Somaliland?

Waxa dadka scotish ihi sheegaan xubnihii saxeexay midawga {1707}

Waxa ingiriisku kaga iibsaday saxeexa Dahab, Somaliland waxa dadweynahedo odhan jireen oo ku kaftami jireen, odayaashii saxeexay midawga {1960}waxa laga iibsaday saxeexa muus.



asnal143@gmail.com