Maalmuhu u Eegaa Maalmihii WQ/ Maxamed Yuusuf (Abu Cabdiqani)

0
Wednesday March 22, 2017 - 15:33:09 in by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalmuhu u Eegaa Maalmihii WQ/ Maxamed Yuusuf (Abu Cabdiqani)

    Abaartii Dabadheer ee ku habsatey gobolo ka mid wadankii waagaas la isku odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliya oo ay Somaliland-na ka mid ahayd wakhtigaas,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaartii Dabadheer ee ku habsatey gobolo ka mid wadankii waagaas la isku odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliya oo ay Somaliland-na ka mid ahayd wakhtigaas,

abaartaasi waxay dhacdey 1973-1974,waxaana ay ka dhacdey dhulka ay Soomaalidu degto inta ay abaartan hadda taagani hayso marka laga reebo goboladda Bay iyo Bakool. 

Marka la eego gobolada Somaliland waxay ku dhacdey gobolada Bariga dhamaantood ,inkasta oo marka la eego abaartan hadda taagani ay u gudubtey gobolka waqooyi galbeed qaybo ka mid ah, wakhtigaas waxay ka bilaameysey gobolka Togdheer,dhulka hawd ka ee raacsan ee kililka ee ka sareeya gobolada Bariga,waxa kale oo marka loo kaco gobolada hadda ah maamu goboleedka Puntland ilaa gobolada dhexe ee Galmudug ayey iyana si la mid ugu dhacdey oo ay abaartanina hayso.

Waagaas Gobolka Togdheer waxa badhisaab ka ahaa nin la odhan jirey Cali Ciise Salwe oo aan u maleynayo inuu asal ahaan ka soo jeedey Goboladda Puntland, ninkaasi waxa uu ahaa nin aad u xiiseeya kubada gacanta(Basket ball) waxa uu galabtii iman jirey garoonka kubadda gacanta ee Burco oo ku yaalay halka iminka uu ka dhisan yahay Dugsiga Hoose/dhexe ee cabdalle Nuuri,isagoo daawan jirey hablo u ciyaari gobolka Togdheer kubada Koleyga ama gacanta ,hablahaasi waxay ku ciyaari jireen saraawiil gaagaaban oo wakhtigaas ahayn wax lala yaabo. Badhisaabkaas waxa reer Burco u bixiyeen naaneys ahayd "Khadraa Ku Ridey”oo ka turjumeysey inaan arinkiisu dhaafsiisneyn kubadan habluhu ciyaarayaan ee aanu wax war ah kala soconin dhulkii iyo dadkii mas,uulka ka ahaa. Iyadoo xaalku halkaas marayo ayaa booqasho ku yimi Burco Madaxweyne k/xigeenka Ismaaciil Cali Abokor waxaana uu arkey dadka iyo dalku xaaladda ay ku jiraan iyo mas,uulka gobolka ahaa oo aan waxba ogeyn ee kubad daawanaya.

Ismaaciil Cali Abokor waxa uu ku dhawaaqey xaalad deg deg ah badhisaabkiina wuu casiley waxaana sida aan filayo la geeyey Seyberia oo wakhtigaas mas,uulka hawsha qaranka ku guuldareysta loo mastuufurin jirey waana meel ka mid ahayd dhulweynihii Ruushka oo Barafley ah.

Waxa aan uga goleeyahay sheekadan abaartii Dabadheer,waxa aynu arkeyneynaa halka uu marayo xaalka dalkeenii gaar ahaan dadkii aynu ku tiirsaneyn ee reer miyiga ahaa oo ay xoolihii ay haysteen ka dhamaadeen kuna dacdareysan dhul cidla ah oo ay iyagu iskood ugu soo urureen oo hadh iyo habeen warbaahintu inoo soo gudbineyso xaalkooda dhabta ah oo xanuun,gaajo,iyo hoy la,aani hayso iyo masuuliyiintii qaranka oo aad moodid inaanay digiigixaneyn ama aanay iyagu wadankan wadan aan ahayn inay ku nool yihiin.

Waxa aan daawadey habeen hore wasiir ka khudbadeynaya garoon lagu ciyaarayo kubada koleyga oo ku yaala caasimadda dalka oo leh waxa aan hayaa Budget kii lagu casriyeyn lahaa garoonkan oo diyaar ,ilaahay baan idinku dhaarshee miyaanay mas,uuliyiinteenu la mid Badhisaabkaa "Khadraa Ku Ridey”.

Waxa iyana arkayey duqey ka mid ah gobolada bariga oo ka warbixinaya xaalku halka uu marayo oo xukuumadda ugu baaqey in dalka xaalad deg deg ah la geliyo oo diraya qaylo-dhaan halkii u danbeysey,Markaa waxa aan soo jeedinayaa in wax kasta oo kale la iska dhigo oo wadanka xaalad deg deg ah la geliyo oo xukuumad iyo shacaba aynu badbaadino dadkeena inta aanay xaaladu gaadhin meel aan waxba laga qaban Karin.



W/Q:Maxamed Yuusuf(Abu Cabdiqani)

Shule1964@gmail.com