Hooyo Iyo Caruur Haraad Ugu Geeriyooday Deegaan Hoostaga Degmada Matabaan Ee Gobalka Hiiraan

0
Wednesday March 22, 2017 - 18:37:02 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Iyo Caruur Haraad Ugu Geeriyooday Deegaan Hoostaga Degmada Matabaan Ee Gobalka Hiiraan

    Deegaanka Qodqod oo 30km dhinaca Koonfur uga beegan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu waramayaa in hooyo Umul ah iyo labo caruur ah halkaa ugu geeriyoodeen biyo la'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Qodqod oo 30km dhinaca Koonfur uga beegan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu waramayaa in hooyo Umul ah iyo labo caruur ah halkaa ugu geeriyoodeen biyo la'aan.

Qofka mid ah waxgaradka deegaanka oo lagu magacaabo Xassan Max'ed Dhaga-weyne ayaa warbaahinta u sheegay in hooyada iyo labada caruur ay u dhinteen haraad ba’an oo ka jira deegaanka, kadib markii uu jabay ceelkii kaliya oo ay dadkaasi ka dhaansan yihiin.

‘’Deegaanka waxaa uu lahaa hal ceel oo kaliya oo hadda matoorkii uu ka fariistay, sidaa daraadeed deegaanka waxaa ka jirta abaar baahsan oo biyo la’aanta ugu sii daran tahay ayuu yiri Xassan Dhaga-weyne.

Waxaa uu sheegay in hooyada iyo caruurta geeriyooday ay ku noolaayeen deegaan go’doon ah oo jidadka gala aad u xun yihiin taasoo keentay ayuu yiri in goobtaas ay haraad ugu geeriyoodaan.

Ugu danbeyntii, ma’aha markii ugu horeysan oo sidan oo kale dad haraad iyo gaajo ugu geeriyoodaan deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan Soomaaliya, ilaa haddana ma jiro gargaar la taaban karo oo la gaarsiiyay dadkan ay abaartu saameysay.