Man City iyo Liverpool oo 1-1 ku kala baxay

0
Thursday March 23, 2017 - 11:51:15 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City iyo Liverpool oo 1-1 ku kala baxay

    Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa kulankoodii xalay isla dhaafi waayay barbaro 1-1 ah, ciyaartaasi oo ka tirsanayd horyaalka Ingiriiska laguna dheelay garoonka Etihad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa kulankoodii xalay isla dhaafi waayay barbaro 1-1 ah, ciyaartaasi oo ka tirsanayd horyaalka Ingiriiska laguna dheelay garoonka Etihad

Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan, oo labada dhinacba ay iska lumiyeen fursado ay goolal ku dhalin kareen, balse ay tababarayaasha ka xumaayeen go'aano uu qaatay garsoore Michael Oliver.

Lix daqiiqo markii laga dheelay qeybta dambe, ayaa James Milner waxa uu rigoore u dhaliyay Liverpool, balse daqiiqadii 69-aad ayaa goolka barbaraha waxaa Man City u saxiixay Sergio Agüero.

Labadan koox ayaa waxaa ka go'an in ay xaqiijiyaan ka sii mid ahaadaan afarta naadi ee ugu dhibcaha badan xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa ciyaarta xigta 2-da April la dheeli doonta kooxda Arsenal, halka Liverpool-na ay 1-da April kulan adag la yeelan doonto kooxda ay isku deegaanka ka dhisan yihiin ee Everton.




Xigasho/BBC Somali