Faahfaahin laga Bixiye Ninki Weerarka ka Geystay Barlamanka Ingiriiska iyo Booliska Oo Shaaciyay Magaca Qofkii Ka Dambeeyay Weerarkaasi

0
Friday March 24, 2017 - 09:58:01 in by salman abdi
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin laga Bixiye Ninki Weerarka ka Geystay Barlamanka Ingiriiska iyo Booliska Oo Shaaciyay Magaca Qofkii Ka Dambeeyay Weerarkaasi

    Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ninkan markii hore aan la fileyn in......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ninkan markii hore aan la fileyn in......

Faafaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa Khaalid Mascuud oo 52-jir ahaa oo Arbacadii gaari ku jiirsiiyay dad marayay buundada Westminster ee magaalada London, ka hor inta uusan si xun u tooriyeen askari boolis ah oo ilaalo ka ahaa baarlamanka UK.

Waxaa la fahansan yahay in Mascuud uu ku dhashay aaga Darford deegaanka Kent, markaa oo loogu yeeri jiray magac kale oo ah Adrian Elms.

Xalayna boolisku waxa uu sheegay in nin 75 jir ah uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaarigii ku dhacay, taasi oo tirada dhimashada ka dhigaysa 5 qof marka lagu daro Mascuud oo ay boolisku toogteen.

Kaddib markii ciidamada Scotland Yard ee mas'uulka ka ah ammaanka London ay shaaciyeen haybta Khaalid Mascuud ayaa waxa ay sheegteen in uu isticmaalayay dhowr magac oo kale.

 

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ninkan markii hore aan la fileyn in uu la bixi doono Mascuud maadaama uu deegaanka Kent uu ku dhashay maalin ku beegan ciidda masiixiga sanadkii 1964-kii.

Waxaana uu magaciisa ahaan jiray Adrian Elms, waxaana soo baxaya suurtagalnimada ah in uu badalay magaciisa kaddib markii uu qaatay diinta islaamka.

Inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay arrintan, haddana arrintan ayaa waxaa ay baarayaasha ka caawin kartaa in ay fahmaan ficiladiisii hore ka hor inta uusan geysan weerarkan.

Booliska waxa ay sheegeen in Mascuud uu dhawaantan ku noolaa deegaanka West Midlands isla markaana uu shirkad fadhigeedu yahay magaalada Birmingham uu ka soo kireystay gaariga uu dadka ku jiirsiiyay buundada Westminster.

Hasayeeshee waxyar uun ka hor inta uusan weerarkani geysan, Khaalid Mascuud waxa uu ku hakaday hoteel ku yaal Brighton; sababtana ilaa haatan ma cadda, inkastoo kal hore uu ku noolaan jiray deegaanno aan halkaasi ka fogeyn.

Ciidamada Scotland Yard ayaa saaka la filayaa in ay soo bandhigaan xog dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanada ay sameeyeen.

Ilaa iyo haatanna siddeed qof ayaa arrintan loo soo qabtay oo u xiran.



Sources:BBC