Dooni Ay Saarnaayeen 240 Tahariibayaal Ah Oo Ku Dagtay Xeebaha Dalka Liibaya Iyo Tirada Dhimashada.

0
Friday March 24, 2017 - 11:51:35 in by salman abdi
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooni Ay Saarnaayeen 240 Tahariibayaal Ah Oo Ku Dagtay Xeebaha Dalka Liibaya Iyo Tirada Dhimashada.

    Dooni Ay Saarnaayeen 240 Tahariibayaal Ah Oo Ku Dagtay Xeebaha Dalka Liibaya Iyo Tirada Dhimashada. Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inay dhinteen dad ka badan labo boqol oo ruux kuwaasoo ahaa tahriibayaal kadib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooni Ay Saarnaayeen 240 Tahariibayaal Ah Oo Ku Dagtay Xeebaha Dalka Liibaya Iyo Tirada Dhimashada. Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inay dhinteen dad ka badan labo boqol oo ruux kuwaasoo ahaa tahriibayaal kadib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen.

 

 

Sarkaal u hadlay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Spain ayaa sheegay in la helay meydadka shan ruux oo kaliya kuwaasoo dul sabaynayay badda iyadoo laga cabsi qabo in dhammaan dadkii kale ee saarnaa markabka ay dhinteen.

 

 

Ms Lanuza oo u hadlayay hay’adan wadaniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 240 tahriibayaal ay saarnaayeen doontan ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.

 

Hase yeeshee ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan jirin war soo gaadhay oo ku saabsan doontan ayna ka qeybqaadanayaan raadintii dadka la sheegay inay la degtey doontii ay saarnaayeen.

 
 

 

 

Dadka ka soo tahriibaya xeebaha dalka Libya ayaa kordhay sanadkan waxaana gaadhay xeebaha dalka Libya afartameeyo doomanka ay dadka ku tahriibaan toddobaadyadii la soo dhaafay.

 

 

 

 

Hay’ada IOM oo u qaabilsan dadka soo galootiga ah Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegeen in labaatan kun oo tahriibayaal ah ay gaadheen dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in dad gaadhaya 559 tahriibayaal ay dhinteen ama lagu la’ yahay badda.