Aqalka Senate-ka ayaa meelmariyay in David Friedman uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Israa'iil.
Xubnaha u codeeyay ayaa ahaa 52 waxaana meelmariyay 46, inkastoo ay ka soo horjeedsadeen xubnaha xisbiga Dimuqraaadiga.
Friedman oo mar Donald Trump u soo noqday qareen ayaa aad uga soo horjeeday hadafka Maraykanka ee ah xalka labada dawladood ee Israa'iil iyo Falastiin.
Waxaa kale oo uu taageeray deegaamaynta ay Yuhuuddu ka wadaan dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed, wuxuuna taageeray in safaaradda Maraykanka loo raro magaalada Qudus.
Qaramada Midoobay ma aqoonsana in Qudus ay caasimad u tahay Israa’iil, wakhti dheerna safaaradda Maraykanku waxay ku taalay magaalada Tel Aviv.
Falastiiniyiintu waxay doonayaan in Bariga Qudus ay noqoto caasimadda mustaqbalka dalkooda, laakiin Israa’iil waxay sheeganaysaa magaalada oo dhan iyo in aan lakala qaybin karin.
58 jirkan ayaa intii ay doorashadu socotay Trump kala talinayay arrimaha Maraykanka iyo Israa’iil dhexyaalla.
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo aan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay magacaabista Friedman.
Dawlada Maraykanka Oo Safiirkiisa Isra'iil U Magacaabay Cunsuri Xagjir Ah.
Aqalka Senate-ka ayaa meelmariyay in David Friedman uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Israa'iil. Xubnaha u codeeyay ayaa ahaa 52 waxaana meelmariyay 46, inkastoo ay ka soo horjeedsadeen xubnaha xisbiga Dimuqraaadiga. Friedman oo