Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Noqday Mooshin Laga Keenay Madaxweyne Shariif
Xildhibaan Cabdikariin oo ka hadlaya mooshinka ay la laabteen ayaa waxa uu yidhi "madaxweyne Shariif waxaanu isku af garanay in bulshada si wanaagsan loogu shaqeeyo, wixii khilaaf ahaa ee na dhex yaalayna waanu ka heshiinay sidaas darteed imika laga bilaabo ma jiro mooshinXildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka waday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay joojiyeen mooshinkii ay ka keeneen madaxweyne Shariif, waxaanu ku sababeeyey xaalada abaareed ee ka jirta dalka somaliya.
ka dhan madaxweynaha oo horyaala baarlamaanka, waxaana keenay inaanu ka laabano mooshinkaas is afgaradka aanu gaadhnay madaxweynaha iyo anaga oo eegnay xaalada adage e dhinaca abaarta ee dalka ka jirta.”
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey go,aanka cusub ee ay qaateen mudanayaasha baarlamaanku, waxaanu ku baaqay in si wada jir ah looga hawl galo gargaarka la gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen
Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Noqday Mooshin Laga Keenay Madaxweyne Shariif
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka koonfur galbeed ee dalka somaliya ayaa ka laabtay mooshain inay doonayeen inay xilka kaga qaadaan madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.