Wada,Hadaladii Somaliland Iyo Kooxda KHAATUMO Oo Ka Furmay Dalka Jabouti Iyo Masuuliyiinta Ka Qayb Gashay

0
Saturday March 25, 2017 - 17:52:48 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada,Hadaladii Somaliland Iyo Kooxda KHAATUMO Oo Ka Furmay Dalka Jabouti Iyo Masuuliyiinta Ka Qayb Gashay

    Wada,Hadaladii Somaliland Iyo Kooxda KHAATUMO Oo Ka Furmay Dalka Jabouti Iyo Masuuliyiinta Ka Qayb Gashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wada,Hadaladii Somaliland Iyo Kooxda KHAATUMO Oo Ka Furmay Dalka Jabouti Iyo Masuuliyiinta Ka Qayb Gashay

Wada Hadaladii Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Dalka Jabuuti

Waxa saaka si rasmi ah magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uga furmay wajigii saddexaad ee wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,kaas oo loo balansanaa inuu furmo 20 bishan aynu ku guda jirno balse dib u dhacay.


Waxaana kulankan xaadir ka ah masuuliyiinta labada dhinac ka socda oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hogaaminayo dhinaca dawlada Somaliland iyo gudoomiyaha baarlamaanka Kooxda Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.


 

 

 

 

Wada hadalkan saaka u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa loo ballansanaa inuu furmo 20 bishan aynu ku jirto balse waxa uu dib u dhacay muddo afar maalmood ah kaas oo maanta si rasmi ah u bilaabmay,waxaana wada hadalkan uu noqonayaa sida la filayo mid ka qodobo duwanaada wada hadaladii hore ee uga bilaabmay dawlada Itoobiya iyo Jabuut.


Gabagabadiina bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhaga taagaya natiijada kasoo baxda wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.