Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Nidaamka Xisbiyada Badan Oo Laga Hir-gelinayo Maamulkaasi.

0
Saturday March 25, 2017 - 19:24:36 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Nidaamka Xisbiyada Badan Oo Laga Hir-gelinayo Maamulkaasi.

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Nidaamka Xisbiyada Badan Oo Laga Hir-gelinayo Maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Nidaamka Xisbiyada Badan Oo Laga Hir-gelinayo Maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka kumeel-gaadhka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u fasaxay furashadda nidaamka xisbiyadda badan ee doorashooyinka gollayaasha degaanka Puntland.



Xaflada Furitaanka oo lagu qabtay xarunta PDRC ee Caasimada Garoowe waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland, guddoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan gollaha xukuumada, Guddoonka guddiga doorashadda, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka, iyo martisharaf kale.

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in puntland ay fasaxday furashadda iyo meelmarinta ururadda siyaasadda ee doorashooyinka gollaha degaanka, isagoo ku dheeraaday waxtarka iyo qiimaha ay u leedahay shacabka Puntland dimuquraadiyad lagu saleeyey diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan,

wuxuu sheegay in xukuumadda uu madaxda ka yahay ay diyaar u tahay hirgalinta hannaanka doorashadda xisbiyadda Puntland isla markaana ay tahay mid lagaga baxayo habka wax lagu qayb sado iminka.

"Fadhig ku dirirka ka taga oo xisbi-ku-dirirka u gudba, dad badan ayaa lahaa dowladu daacad kama ah nidaamka dimoqraadiyadda, hadda waa furan yihiin nidaamkii xisbiyadda ee furta xisbiyo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay.

"waxaan u baahanahay in dimiquraadiyad noo shaqaynaysa aan samaysano isla markaana ay noqoto mid salka ku haysa diinteena islaamka oo aan ka hor imaanaynin, sidoo kalena ka turjumaysa, dimiquraadiyada Geedkaan rabnaa, dimiquraadiyad Geelaan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Dhinaca kale, Goddoomiyaha kumeelgaarka ah ee guddiga Doorashadda Puntland Maxamed Soofe Xasan ayaa dhiniciisa sheegay in siyaasiyiinta doonaya inay furtaan ururo siyaasadeed ay macluumaadka la xiriira habraac doorashooyinka, xeerka ururadda siyaasadda iyo foomka diiwangalinta ay ka heli karaan xafiiska guddiga doorashadda ee Caasimadda Puntland.

Dhinac kale, Masuuliyiintii ka socotay ururadda bulshada rayidka ah ee Maamul Goboleedka Puntland, Hay’adaha Caalamiga ee daneeya dimoqraadiyadda ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabida hannaanka doorashooyinka Puntland oo sanadkii 2013ka la joojiyay.

Gabagabadii, inkastoo uu madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland uu marar badan sheegay inuusan doonayn in dib loo doorto, haddana lama oga in madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, gollaha wasiiradda iyo xubnahaha barlamaanku ay xisbi siyaasadeed furan doonaan, sidoo kaloo waxaan la sadaalin karin sida ay dadweynuhu u soo dhawayn doonaan furitaanka xisbiyadda madaama dib-u-dhacyo badan ay ku yimaadeen hanaanka doorashadda Puntland.