Cabdikariin Axmed Mooge Oo Soo Jeediyey Tallo Uu Sheegay In Wax Lagaga Qaban Karo Abaaraha Soo Noqnoqda.

0
Saturday March 25, 2017 - 19:40:50 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariin Axmed Mooge Oo Soo Jeediyey Tallo Uu Sheegay In Wax Lagaga Qaban Karo Abaaraha Soo Noqnoqda.

    Cabdikariin Axmed Mooge Oo Soo Jeediyey Tallo Uu Sheegay In Wax Lagaga Qaban Karo Abaaraha Soo Noqnoqda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariin Axmed Mooge Oo Soo Jeediyey Tallo Uu Sheegay In Wax Lagaga Qaban Karo Abaaraha Soo Noqnoqda.

Cabdikariim Axmed Mooge oo hore u ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland oo uu iska casilay 2015-kii, ayaa sheegay in wax-ka qabasho la’aanta Abaaraha dalka ku soo noq noqonayaa ay si wayn u dhaawacayso dhaqaalaha dalka, isla markaana loo baahan yahay in qorshe cad laga yeesho.


Qoraal kooban oo uu soo saaray Cabdikariin Axmed Mooge ayuu sidaas ku sheegay, waxaanu Madaxda Somaliland ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan dadka Muwaaddiniinta ah ee aqoonta dheer u leh ka hor-teggista Aafooyinka Dabiiciga ah.

Qoraalka Cabdikariim Axmed Mooge oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa uu u dhignaa sidan:- "Abaartu waa mushkiladda innagu soo noqnoqota sannad kasta, sannadba sannadka ka dambeeyana Abaartu way ka saamayn badan tahay tii hore. Abaarahan soo noqnoqonayaa waxay saamayn taban ku yeeshaan nolosha reer Guuraageenna, iyadoo dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay Xoolaha Nool.

Xalka qudha ee aynu haynaanna illaa maanta waa in aynu qaylo-dhaan Adduunka u dirsanno iyo qaadhaan-ururin la sameeyo xilliga Abaartu jirto, taasina Xal waara uma aha Abaarahan soo noqnoqonaya ee sannad walba taagan.

Sidaa darteed, Kuwa Talinayoow ama Caqli keena ama Caqliga Somaliland-ta kale adeegsada.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cabdikariin Axmed Mooge oo hadda Madax ka ah Urur-u-dhaqdhaqaaqa La-dagaallanka Qabyaaladda oo uu Somaliland ka aasaasay.