Siyaasiga Somaliland: Ka Buuxso Ka Dhiso Oo Ka Dhoof, Qalinkii Wariye Saciid Faarax Cagjar

0
Thursday March 30, 2017 - 11:53:04 in by salman abdi
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Somaliland: Ka Buuxso Ka Dhiso Oo Ka Dhoof, Qalinkii Wariye Saciid Faarax Cagjar

    Dowladahaan waxaa hogaamiya una ilaaliya sharciyadaasi hogaammiyayaal iyo siyaasiyiin ay matalaan dadkooda iyo dalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladahaan waxaa hogaamiya una ilaaliya sharciyadaasi hogaammiyayaal iyo siyaasiyiin ay matalaan dadkooda iyo dalkooda.


 

Wadan kasta Waxa uu horumarkiisa lu Jaan go’an yahay sida hufan ee ay u shaqeeyaan hormuudka wadanka iyo hay’addaha dowladda.

Hadaba siyaasigu muxuu yahay?

Siyaasigu Waa ka Is waafajiya waafajiyo wax yaabaha is diidan, sidda in la dhex dhigo dadka is qilaafsan heshiis, nabad jaceeyl iyo wadda noolaansho

Dhabahaanti siyaasiga waa midka ka saara ummadiisa dhibka,

kana damqada xanuunka, gaajada, cudurada, dagaalada iyo jahliga ummadiisa ku habsaday. Waa midka u jiheeya umadiisa dhinaca hormarka kana saara gudcurka la midka ah Habeenka Madow ,

Waa Shakhsiga Ka fekera habeen iyo maalin sidii uga dhigi lahaa dadkiisa mid la jaanqaadadadyawga kale ee Aduunka. Waxaa adduunka jira hogaamiyaal markii xukunka qabsanayeen xeerka dhaqaale iyo kan siyaasi wadankooda aad u liitay; balse markii ay xukunka lawareegeen wax wayn ka bedelay wadankooda.

Tusaale, wadanka Malaysia dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanaan jiray beeraha maantay wuxuu ku tiirsanyahay warshadaha iyo Technologiyada; waxaa u sabab ahaa madaxwaynihii hore ee waddankaasi Mahatir Mohamed oo wadanka ka dhigay mid dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay warshadaha halkii markii hore ka ahaa mid kooban beeraha , dadkiina isu bedelay xirfadlayaal

Siyaasiga Soomaaliland ma odhan karnaa wuxuu siyaasi

Wadankeebu saaxiib la

yahay? Ma reer Galbeed

mise reer Beri?. Qoladiisu waa ayo ? Ma laandheere mise laan gaab?

Jeebka ma buuxin karaa mise maya? Imisa Guri iyo Gaadhi ayuu Ka iibsaday Hantida Bulshada dulman . Haraadan ee Badda ku lee’day

Qofka siyaasiga ah waa ka buuxin kara shuruudaha ka yaala siyaasinimadda, ahna nin u jajaban hogaamita ummadiisa. Micno ma samaynayso in aad uga sheekaysid dadkaada "aniga waxaa itaageersan wadan hebel ama Urur hebel ama Shirkad hebel” waxaa siyaasi u tahay qancina kaaga baahan kuwa aad beenta u sheegayso.Waa kuwa aan Haysan Daryeel Caafimaad , Aqoon tayo Fiican leh Iyo Shaqooyinkii ay xaqa u lahaayeen oo aad ku Casuutay dad shisheeye oo aad dano gaar ah ka leedahay

Siyaasadu waxay leedahay dan joogto ah ee ma lahan saaxiib joogto ah iyo cadow joogto ah.!

Siyaasi wuxuu siyaasi u yahay dad iyo wadan. Wadamada qaar

waxay ku gorgortomaan baaxadda wayn ee dhulkooda, khayraadka dabiicga ah ee ku kaydasan, xeebahooda iyo naflayda ku nool, kaynta wadanka iyo duurjoogta hadhsata .

Intaasi waxaa sii dheer waa ilaha dhaqaale ee wadanka ku kobci karo. Tusaale

waxaa inoogu filan wadanka Ruushka iyo wadamo kale tiro badan. Ruushka waa wadanka ugu dhul baxaada waynaa dunida lehna kharaad dabiic ah gaar ahaan kuwa loo adeegsado warshadaha , saliida dunida iyo gas-ka Boqolkiiba

Labaatan (20%) waxaa laga soo saaraa wadankaas.

Siyaasiga Soomaaliland siyaasi u yahay waddan dhirtiisa dollar lagu bedeshay? Siyaasiga soomaaliland ma wuxuu siyaasi u yahay waddan goobihii ugu bilicda wanaagsanaan jiray laga iibiyo Ganacsatada Sida Dugsiyadda , Goobaha Ciimadda iyo Goobaha Dadka Danyarta ah Ma wuxuu siyaasi u yahay dad intooda badan qaxootinimo ku nool yihiin kuwo badda ku haraqmay iyo kuwo waddanka gudihiisa Ku dulman ee Shaqooyinkii ay lahayeen laga siiyey dadka shisheeye bukaankuna buux dhaafiyay Cisbitaalada aan haysan Dawooyin Fiican iyo Dhakhatiir dhiig miirato ah ee ay jirrin Dawlad la Xisaabtanta

Ma wuxuu siyaasi u yahay Waddan xeebtiisa lagu daadiyo sunta Warshadaha iyo tan Nuclear-ka oo waliba ay ku hardamayaan quwado shisheeye,

Hogaamiyaha iyo Siyaasigu Waxa uu hogaan u yihiin dad iyo wadan wada jira. Wadan manaafacaadkiisa laga faa’idaysanayo lagana difaacayo dadka usoo tafa xaydanaya manaafacaadka wadakooda.

Madaxda Iyo Siyaasiga Soomaaliland waxaa la gudboon in uu eego wixii tagay islamarkaana fahmaan wax soo socda iyaga oo la jaan qadaaya isbedellada aduunka. Soomaaliland maantay waxay u baahan tahay isbedel dhinac kasta ah ,gaar ahaan hogaaminta. Sidaa darteed waxaan ku talinayaa in la helo siyaasi cusub oo aan lagu arag saaxada siyaasadda Soomaliland kuna firfircoon hogaaminta, Islamarkaana leh aqoonteeda iyada oo aan la eegay qabiilkiisa Cidda uu yahay Balse la iswaydiyo muxuu yaqaana Muxu Horumar Samayn Karaa sidu wax uga bedelay gurigiisa iyo Jaarkiisa

Kartidiisuse maxay tahay?

Dhaqanka siyaasinta Soomaaliland waa mid ku salaysan magaca dad iyo wadan aan faraba lagu hayn,intooda badanna waxaa ay ku midaysan yihiin fikradda ah Buuxso Ka Dhiso Oo Ka Dhoof.!

Ugu Danbayn Waxa aan bulshada usoo jeedinayaa in ay iska qadaan Bustahan saran oo ay diidan wixii khaldan soona dhaweeyan wax Kasta oo wanaagsan si ula Xisaabtamaan Dadka ay doorteen Ma ogatahay Akhriste hadii aad ku doorta qabiil Iyo Imaan la’aan in uu adiga ku cunaaya Siyaasiga Beenta iibiya



Alla Mahad Leh


Wariye Saciid Faarax Cagjar

Hargaysa

Tell : 00252634421898

Email Saciidm66@gmail.com