Shan iyo toban qof oo ku dhintay qarax Baqdaad ka dhacay.

0
Thursday March 30, 2017 - 12:31:20 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan iyo toban qof oo ku dhintay qarax Baqdaad ka dhacay.

    Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen baabuur walxaha qarxa lagu soo rakibay oo lagu qarxiyey bar koontarool oo ay leeyihiin booliiska Ciraaq oo ku taal magaalada Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen baabuur walxaha qarxa lagu soo rakibay oo lagu qarxiyey bar koontarool oo ay leeyihiin booliiska Ciraaq oo ku taal magaalada Baqdaad.

Waxay sheegeen in, in ka badan 40 qof oo kalena ku dhaawacmeen qaraxaa baabuurka oo ahaa booyad nooca shidaalka ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey. Goobta qaraxu ka dhacay waxay ahayd bar koontarool oo ku taal koonfurta magaalada madaxda.

Ilaa haatan cidina may sheegan masuuliyadda weerarkan.

Ururka la baxay Dawladda Islaamka ayaa dhawaan weerarro noocan oo kale ah ka waday dalka Ciraaq.

Qaraxan dhacay wuxu ku soo beegmay iyadoo ciidamada dalku wadaan guluf ballaadhan oo ay doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Mosul oo ah meel ay ku xoogan yihiin kooxda Daacish.

Dhanka kale ciidamada Ciraaq oo taageero dhanka cirka ah ka helaya huwanta Maraykanku hogaaminayo iyo la taliyeyaasha miltariga, ayaa waxa u suurto gashay in ay dib u qabsadaan qaybaha woqooyi ee magaalada iyo goobaha ku xeeran.



Xigasho/BBC Somali