Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda iyo Madaxtooyada u Magacaabay Agasime Cusub kana hoos saaray Xafiiski Afhayenka

0
Saturday April 01, 2017 - 14:23:51 in
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda iyo Madaxtooyada u Magacaabay Agasime Cusub kana hoos saaray Xafiiski Afhayenka

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda iyo Madaxtooyada u Magacaabay Agasime Cusub kana hoos saaray Xafiiski Afhayenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda iyo Madaxtooyada u Magacaabay Agasime Cusub kana hoos saaray Xafiiski Afhayenka

Madaxtooyada Somaliland ayaa talaabo deg deg ah ka qaaday afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr ka dib markii uu ku guul daraystey in uu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya Madaxtooada iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland.

Xidhiidhkaasi oo aad u xumaaday tan iyo intii uu dib ugu soo laabtey Xuseen Aadan Cige Dayr xilka Afhayeen Madaxtooyada oo uu hore uga dalacay iyada oo wada shaqayn la’aanta warbaahinta iyo Madaxtooyadu gaadhay in gabi ahaanba la joojiyo Warkii dhawaan markii madaxwaynaha Somaliland ku soo laabtey Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyada ayaana taas bedelkeeda si loo hagaajiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Madaxtooyada iyo warbaahinta waxa uu magacaabey xilka Agaasimaha Waaxda warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland xilkaasi oo uu u magacaabey Naasir Yuusuf Daahir oo hore u ahaa xogahaya xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

talaabadan ay Madaxtooyadu qaaday ayaa ah mid awooda lagaga dhimey Xuseen Aadan inkasta oo aan xilka laga qaadin hadana waxa la khafiifiyey miisaankii uu lahaa afhayeenka madaxtooyadu.

Agaasimaha Waaxda xidhiidhka saxaafadda iyo madaxtooyada ee la magaacabey ayaa aqoon u leh arimaha warbaahinta isaga oo mudo dheer ka shaqaynaayay xafiiska afhayeenka.

Waxaana la filayaa in si deg deg ah uu wax uga bedeli doono xidhiidhka aan wanaagsanayn ee haatan ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo warbaahinta Madaxa Banaan.

Halkan Ka Akhri Wareegtada lagu magacaabey Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland