"Somaliland Dagaal Kulama Jirto Somaliya, Laakiin Haddii Ay Dhacdo Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dalkayaga Difaacno" Wasiirka Sacad.

0
Saturday April 01, 2017 - 14:39:27 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Dagaal Kulama Jirto Somaliya, Laakiin Haddii Ay Dhacdo Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dalkayaga Difaacno" Wasiirka Sacad.

    "Somaliland Dagaal Kulama Jirto Somaliya, Laakiin Haddii Ay Dhacdo Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dalkayaga Difaacno" Wasiirka Sacad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland Dagaal Kulama Jirto Somaliya, Laakiin Haddii Ay Dhacdo Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dalkayaga Difaacno" Wasiirka Sacad.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay inaanay Somaliland wax dagaal ah kula jirin dalkii ay kala baxeen ee Somaliya, balse ay diyaar u tahay inay is difaacdo haddii qaranimadeeda lagu soo weeraro.


Wasiir Sacad oo dalka Tanzania kaga qayb galay shir, ayaa isagoo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Darasalaam ee dalkaas, wuxuu ganacsatada iyo maalqabeenada dalkaas ugu baaqay inay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan beeraha, wershadaha iyo arrimaha kale ee ay danaynayaan. "Somaliland waxay leedahay dawlad la soo doortay, ciidamo, lacag u gaar ah iyo calan u gaar ah, waxaanay u qalantaa in la aqoonsado. Waxaan aaminsanahay in qadiyadayadu leedahay sharci cad, mid bini-aadminimo iyo marka waxaas oo dhan laga tago taariikh.” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas ku daray in bulshada caalamku iska indho tirtay xaqa aayo ka tashi ee shacabka Somaliland oo ay ku waayeen daymihii iyo amaahihii ay ka heli lahaayeen beesha caalamka.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay inaanay Somaliland dagaal kula jirin Somaliya, balse haddii ay dhacdo ay diyaar u yihiin inay qaddiyadooda difaacdaan, "Somaliland dagaal kulama jirto Somaliya, laakiin haddii ay dhacdo, waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacno dalkayaga wakhti kasta. Waxa kale oo aan aaminsanahay marka aanu noqono qaran la aqoonsayahay inay Somaliya ka faa’iidi doonto.