Tixdii Maandeeq bye: abwaan Cali Dhanaaniye
(Tixdii Maandeeq)
Erey maanku diidoo
Mooraal jabkeenana
Maalin keliya gacalooy
Kamaad maqal afkaygoo
Marna kuuma quudhee
Miyaa laygu kaa diray
Muuqaagii tebayoo
Maal-mahan ku waayee
Mudantii haweenkaay
Muftaaxii hankaygiyo
Maamuuskii noloshaay
Murwaadkii naftaydaay
Hablahaad u mudantoo
Ugu muunad wacantee
Balyaan kugu maseeyaa
Ama kugu maleeyaa
Macaan kula tartami kara?
Mawlahaa ku dhawroo
Samo kugu macsuumoo
Sharaf kugu mariimoo
Sidaad tahay mahiigaan
Ama mayayga rooboo
Saqdii dhexe geyiga miray
Oo muuniida aroortii
Markuu waagu daalacay
Dadku wada maqsuudeen
Oo miiraale xoogani
Mar labaad ku taagsadayo
Miyi iyo magaaloba
Maalin waa ka dhacayoo
Mulacyeeyey daadkii
Xareeduna Mushaaxdoo
Meeshii aad jaleecdaba
Naftu ay macaansato
Dharaartani milgaha badan
Mahadhada xasuustana
Jawigaa mubaaxaa
Rabi loogu mahadnaqo
Muuqaalkan yaab kaleh
Ayaan kugu masaalaa
Sidaad tahay mas ciideed
Mardhacyiyo garaaro leh
Sidaad tahay man iyo ubax
Ama mudaneey daa'uus
Malko bilicsan joogtaad
Maankayga deeqdoo
Nafta waad ku mudantoo
Maandhoy xiisahaagay
Kashu muxubo oydaa
Mirta dhexe habeenkii
Marka uunku jiifsado
Hawlyari ma ledoo
Hadba waxaan mushaaxaa
Mawjadaha kalgacalkiyo
Maayadaha jacaylkee
Maax dumiya noloshee
Murugadiyo Faraxiyo
Macaankiyo Qadhaadhka leh
Ee kumaran adoomaha
Ee ku meersan geediga
Mataaneeya waayaha
Ee ku soohan maalmaha
ee ku teedsan mirirada
Ayaan mayracaayoo
Maankayga sooraay
Gacantaydii midigeey
Qalbigaad ku milantee
Makaankaynu degeyniyo
Minan gacal fadhiistiyo
Madal lagu caweysimo
Rugteenii mustaqbalkaan
Maaraynayaayoo
Habeenkii ku maqanahay
Miski iyo xariireey
Mahuraanka noloshaay
Maskaxdayda keligaa
Ayaa maamulaayoo
Waxaad tahay misbaaxaan
Mugdigii ku dhaafee
Murtidaan ku leeyahay
Mahadhada halhayskiyo
Maah-maahahaygiyo
Miisaan warkaygoo
Qawlkayga meelee
Masqariyo wax sahaliyo
Dhayal haw malaynine
Furfuroo macnaysoo
Waa macquule ila eeg
Maya haygu odhanine
Markastaba il debeciyo
Marxabo iyo rayn-rayn
Farxad iigu muunsood
Doqontiyo Muluushtaa
Weligood Masayree
Mukurkana isaga tuur
Haygu madax adkaanine
Murankana inaga dhawr
Maka iyo madiiniyo
Beledkaa muxtarimkaa
Marwooy aynu qabanoo
Mawle waa ilaahaye
Macbuud aynu tuugnee
Aan mataano noqonee
Meher aynu dhiganoo
Halaynoo mashxaradee
Wehel maysu noqonaa?
Waa maalmo duniduyo
Wadka lama maleeyee
May aqbali karaysaa?
Murugadu xanuuniyo
Maaleeyo weeyee
Inagoo mataanaa
Oo mafsuuda gacalooy
Sida bidixda iyo midig
Kala maarmi maynee
Ma iskaashanaayoo
Aroos weyn ma dhiganaa?
Martiqaad ma fidinaa
Gacal kala maqnaayoo
Muddo aanis aragiyo
Mudaniyo marley dumar
Sacabkiyo Mashxaradiyo
Murti aad ka dheregtide
Maarshaalkii sharaftaay
Maygu raacday taladaa?
Tixdii Maandeeq bye: abwaan Cali Dhanaaniye
(Tixdii Maandeeq)