Barlamaanka Dalka Ciraaq Oo Xarumaha Dawladda Ka Mamnuucay In Laga Taago Calanka Kurdiyiinta.

0
Sunday April 02, 2017 - 08:54:16 in by salman abdi
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Dalka Ciraaq Oo Xarumaha Dawladda Ka Mamnuucay In Laga Taago Calanka Kurdiyiinta.

    Barlamaanka Dalka Ciraaq Oo Xarumaha Dawladda Ka Mamnuucay In Laga Taago Calanka Kurdiyiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamaanka Dalka Ciraaq Oo Xarumaha Dawladda Ka Mamnuucay In Laga Taago Calanka Kurdiyiinta.

Barlamaanka Dalka Ciraaq ayaa Meel Mariyay Maanta oo Sabti ah in laga Mamnuuco Calanka Kurdiyiiinta In laga suro Xarumaha Dowlada ee Ku yaal Magaalada Dhacda Waqooyiga Dalkaas ee Kirkuk.


Xildhibaanada Ciraaq ayaa Go,aankaan Qaatay Kadib Kulan looga Dooday Arintaan oo ay Maanta yeesheen.

Talaabadan ay Barlamaanka Ku Mamnuuceen ayaa Timid Kadib Markii Maalmo Ka Hor Xarumaha Dowlada ay Ku Leedahay Magaalada Kirkuk Laga Suray Calanka Kurdiyiinta Gaar ahaan Xarunta Gobolka ku Yaal Waqooyiga Ciraaq.

Dowlada Turkiga ayaa Horey u Dhaliishay Talaabadan ay ku! dhaqaaqeen Kurdiyiinta Ku Nool Dalka Ciraaq.

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Turkiga Mevlot Cavusoglu oo Wareysi Siiyay Tv laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa sheegay In ay Arintaan ay Caqabad ku tahay Midnimada Dalka Ciraaq.

Shacabka Reer Ciraaq ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeyaan Midnimada ayna U Midoobaan La Dagaalanka Kooxda iskugu Magac Dartay Dowlada Islaamka oo Caqabad ku ah Amniga Dalka Ciraaq.