Diyaarada Ugu Qaalisan Adduunka Oo Loo Sameeyay Ciidammada Badda Ee Maraykanka

0
Sunday April 02, 2017 - 10:38:22 in
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarada Ugu Qaalisan Adduunka Oo Loo Sameeyay Ciidammada Badda Ee Maraykanka

    Diyaarada Ugu Qaalisan Adduunka Oo Loo Sameeyay Ciidammada Badda Ee Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarada Ugu Qaalisan Adduunka Oo Loo Sameeyay Ciidammada Badda Ee Maraykanka

Diyaarad nooca loo yaqaan Helicopter-ka oo loo sameeyay ciidanka Badda ee Dalka Maraykanka ee loo yaqaano "Marines” ayaa noqon doonta Helicopter-ka ugu qaalisan Adduunka, taasi oo la qiimo noqonaysa Diyaarada Dagaalka ee Caanka ah ee loo yidhaa F-35, Diyaaradan Helicopter-ka ah oo magaceeda la yidhaahdo CH-53 King Stallion ayaa qiimaheedu yahay 122 Millyan oo Dollar, qiimaha Helicopter-kan ayaan wax badan ka yarayn qiimaha Diyaarada Dagaalka ee F-35 oo uu qiimaheedu yahay 122.8 Millyan oo Dollar.


Helicopter-tan ayaa loogu tala galay in ciidammada Badda ee Dalka Maraykanku ay adeegsadaan sanadka 2019ka, waxaanay kaga duwan tahay Helicopter-dii hore tirada Ciidanka ay qaadi karto oo ah 24 Askari iyo hal gaadhi oo ah gawaadhida Dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan Hummer-ka ee loogu tala galay Dagaalka.

Sidoo kale Diyaaradan King Stallion ayaa waxay mar qudha qaadi kartaa alaab dhan 13.5 oo Tan sidaasina waxa ku noqotay Helicopter-ta ugu qaalisan Adduunka.