Maayirka Ku Xigeenka Hargaysa Oo Safar Dalxiis Ah Ku Jooga London .Shaaciyayna Jnuu Kulamo La Qaatay Masuuliyinta London

0
Tuesday April 04, 2017 - 10:15:50 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Ku Xigeenka Hargaysa Oo Safar Dalxiis Ah Ku Jooga London .Shaaciyayna Jnuu Kulamo La Qaatay Masuuliyinta London

    Maayar-ku-xgeenka Hargeysa oo London Kulamo Kula Qaatay Hoggaamiyeyaasha Ugu Culus UK+ Waraysi Live Ah Siiyey BBC-da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar-ku-xgeenka Hargeysa oo London Kulamo Kula Qaatay Hoggaamiyeyaasha Ugu Culus UK+ Waraysi Live Ah Siiyey BBC-da

Maayar-ku-xgeenka Hargeysa oo London Kulamo Kula Qaatay Hoggaamiyeyaasha Ugu Culus UK+ Waraysi Live Ah Siiyey BBC-da

Guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ahna maayar ku xigeenka Caasimadda Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo Muddooyinkii u dembeeyey safar shaqo ku joogay wadanka Ingiriiska ayaa waraysi uu galabta Siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxaa uu kaga hadlayo waxyaabaha uga qabsoomay safarkiisan oo ka dembeyey martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda boqortooyada Ingiriiska.

 

Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi waxaa uu sheegay in intii uu safarkiisan ku gudo jiray uu socdaalo kala duwan ku maray magaallooyin ka tirsanUK, isaga oo hoggaamiyeyaasha sare ee dalkan kulamo kala duwan layeeshay, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo ku dhereran xaallada dhaqan dhaqaalle ee dalka Somaliland gaar ahaanna xaallada Abaareed ee waqtiyadii u dembeeyey ka jirtay dalka.

 

Md. Cagoweyne oo waraysi siiyey Weriye Aadan Saalo-miin oo ka tirsan BBC-da , waxaa ugu horeyn wax laga weydiiyey bal in uu ka war bixiyey booqashada uu wadanka Ingiriiska ku joogo, "Booqashada aan wadanka Ingiriiska ku imi waa mid rasmi ah oo aanu ka helnay dawladda Ingiriiska, waana markii saddexaad ee aan imaado, waxaanan intaasba u imanayay sidii uu xidhiidhka Somaliland iyo dalkani u sii siyaadi lahaa, iyo sidii ay horumarka magaalooyinkayaga iyo magaalooyinka dalkani ay isugu xidhmi lahaayeen iyo sidii ay u mataanoobi lahaayeen sida Hargeysa iyo London ama Bristol oo kale”. Sidaas ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, waxaanu intaa kudaray " waxaa kale oo noo dheeraa safarkayagan abaarta baahsan ee dalkan ka jirta, waanad ogtahay oo dawladda ingiriisku lacag faro badan bay ugu talo gashay abaaraha Somaliland, lacagtaas waanu kala hadalnay. Natiijada socdaalkaygana rajo aad u fiican baan ka qabaa”. Ayuu yidhi.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in kulamada uu hoggaamiyeyaasha dalka Ingiriiska la yeeshay ay ka soo baxeen in qaar kamid ah maayarrada magaalooyinka UK ay socdaallo rasmi ah ku iman doonaan Somaliland gaar ahaanna Hargeysa.

Sidoo kale waxaauu ka war bixiyey kulamo iyo shirar uu la qaatay jaalliyadda Somaliland ee dalkaas oo uu uga warramay xaallada dalka Hooyo marayo isaga oo ku dhiirigeliyey inay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay qaybtooda uga qaadanlahaayeen gurmadka abaaraha.

Haddaba Waraysiga Maayar kuxigeenka Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo dhamaystiran waxaad muuqaal ahaan iyo maqal ahaanba kaga bogan kartaanhalkan hoose ee daawasho wacan iyo dhegeysi haboo