Duuliye khamri cabay oo 8 bilood oo xabsi ah lagu xukumay.
Miroslav Gronych, oo 37 sano jir ah ayaa qirtay dambiga lagu eedeeyey 21-kii bishii March. Waxaa lagu xiray magaalada New York habeenkii uu bilaabanayey sanadka cusub kadib markii uu ku miyir daboolmay diyaarada oo uu doonayey in uu duuliyo
Jirkiisa waxa laga helay saddex jibaar qiyaasta khamriga ee qofka loo ogolyahay in uu cabo.
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay sidoo kale ka mamnuucday in uu kaxeeyo diyaarad mudo sanad ah. Waxa sidoo kale lagu amray in uu bixiyo lacag gaaraysa 74 doolar.
- Dhowr iyo toban ku dhimatay diyaarad ku dhacday Kyrgyzstan
- Diyaarad Pakistan leedahay oo dhacday
- Duuliye geeriyooday isagoo wada diyaarad
- Diyaarad ku burburtay dalka Afghanistan.
- Sameecadaha dhagaha la gashado oo ku qarxay haweenay diyaarad saarnayd
Maxkamada waxaa loo sheegay in duuliyuhu uu xitaa awoodi waayey in uu xirto jaakaddiisa markii uu gudaha u soo galay diyaaradda, hadalkiisuna waxa uu ahaa baa la yiri mid la fahmi waayey oo uu isku dardarsamay.
Sida ku xusun warbixintii laga hor akhriyey maxkamada, duuliyihii labaad ayaa waxa uu ku taliyey in Gronych uu isaga boxo diyaarada, balse waxa uu ku fariistay kursigii duuliyaha
Diyaaradaasi waxa saarnaa in ka badan 100 qof, waxayna hoos tagtay shirkadda Sunwing Airlines.
Sunwing kama aysan soo jawaabin markii laga dalbaday in ay arrintan ka hadasho.
Duuliye khamri cabay oo 8 bilood oo xabsi ah lagu xukumay.
Duuliye sarqaansanaa oo doonayey in uu kaxeeyo diyaarad ayay Kanada ku xukuntay 8 bilood oo xabsi ah. waxaana xukunkaasi laga jaray mudadii uu ku sii jiray xabsiga.