Waraaq Ku Galka Wadanka Suuriya Oo Nooqday Ka Ugu Qaalisan Qiimaha Iibkiisa Iyo Sababa Keenay

0
Wednesday April 05, 2017 - 10:45:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraaq Ku Galka Wadanka Suuriya Oo Nooqday Ka Ugu Qaalisan Qiimaha Iibkiisa Iyo Sababa Keenay

    Passport-Ka Dalka Suuriya Oo Noqday Ka Ugu Qaallisan Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Passport-Ka Dalka Suuriya Oo Noqday Ka Ugu Qaallisan Adduunka.

-Golaha Shacabka ee Dalka Suuriya ayaa uu muddooyinkan danbe ku dedaalayay sidii uu u meel marin lahaa go’aan ay ku rabeen inay kusoo celiyaan Haybadii iyo Karraamadii uu lahaa Passport-ka Dalkoodu, kadib markii Dagaalada aadka u darran ee ka socda Dalkaasi ay sababeen in Qaxoonti aad u tiro badan ay barakaceen, taasina keentay inay u qaxaan Dalal ay Dadka Suuriyaanka ahi ku gali jireen bilaa Fiise, islamarkaana lagu soo rogay inay qaataan Fiisaha Dal ku galka, sidoo kalena lagu adkeeyay sidii ay ku heli lahaayeen Fiisahaasi.


Golaha shacabka eeDalkaasi waxa uu soo rogay in Dadka ku dhaqan Dalka Debadiisa ee raba inay qaataan amase cusboonaysiistaan Passport-koodu laga qaadi doono qiimo dhan $800, waxaana lagu cadeeyay qiimayn ay samaysay barta Internet-ka ee World Atlas, sidaa awgeed go’aankan ayaa ka dhigay Passport-ka Dalka Suuriya ka ugu qaallisan adduunka marka loo eego Qiimaha ay muwaadiniinta guud ahaan dunida ku nooli kula soo baxaan Passport-kooda, xilli la xaqiijiyey dhinaca qadarinta iyo maamuuska uu haatan leeyahay passport-ka Dalkaasi Suuriya uu liito oo uu ku jiro kaalinta 101 taasi oo macnaheedu yahay in aad uga hooseeya halkii hore ee uu taagnaan jiray sababtuna ay tahay Dagaalada ka socda Dalkaasi.