Gaadiid Shixnado Baco Ah Sida Oo Kastamka Saylac Lagu Cashuuray Iyo Wareegtadii Madaxweynaha Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqotay

0 in by salman abdi
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid Shixnado Baco Ah Sida Oo Kastamka Saylac Lagu Cashuuray Iyo Wareegtadii Madaxweynaha Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqotay

    saylac (afka)Gaadiid Shixnado Baco Ah Sida Oo Kastamka Saylac Lagu Cashuuray Iyo Wareegtadii Madaxweynaha Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqotay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

saylac (afka)Gaadiid Shixnado Baco Ah Sida Oo Kastamka Saylac Lagu Cashuuray Iyo Wareegtadii Madaxweynaha Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqotay

Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka qaada gaar ahaana nooca loo yaqaan 1924-ka oo Sida Shixnad Ganacsiga bacda ah ayaa markii Tobnaad kasoo gudbey Kastamka Cashuuraha Maaliyada ee Degmada Saylac kadib markii si xor ah loogu soo cashuurey halkaasi iyadoo talaabadanina ka hor imanayso wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyey in bacda waddanka lasoo geliyo.


 

Afarta baabuur ee sida Shixnada bacda ee laga madnuucay dalka ayaa, galinka dambe ee shalay usoo gudbaya dhinaca Hargeysa iyo Tog-Wajaal iyagoo barqadii soo hadhgaley Tuulada Cali-xaydh kadib markii ay guditaan kaga soo gudbeen habeen hore xeebta Galbeed.

Ilaa iyo hada lama oga in Gaadiidkan sida Ganacsiga bacda ee laga madnuucay dalku ay Xukuumadu horjoogsan doonto iyo in ay sidoodaa ku gali doonaan suuqyadii Ganacsiga ahaa ee lagu iibin jirey,Baabuurtan, ayaa sida mid waliba 350 kartoon oo bacdaas ah taas oo kartoon lagu sheegay in ay ku jiraan labaatan kun oo xabo oo bacdaas ahi.

Si kasta oo ay tahay Ganacsigan bacda ah ee laga joojiyey Ganacsatadii tirada badneyd islamarkaana, loo fasaxey shakhsiyaad kaliya ayaa,guud ahaanba Ganacsatadii joojisey iibka iyo Ganacsiga bacdu siweyn isha ugu hayaan taas oo saamayn badan ku yeelaneysa nidaamka dawladnimo iyo kala dambeynta.