Dadka Iskood Isku Cumamada Oo Ku Soo Batay Dalka Iyo Xukumada Somaliland Oo Dusha Ka Daawanaysa.

0
Sunday April 09, 2017 - 17:24:22 in by Super Admin
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Iskood Isku Cumamada Oo Ku Soo Batay Dalka Iyo Xukumada Somaliland Oo Dusha Ka Daawanaysa.

    Tani Iyo Tariikhdu Markay Ahayd 2013 Ayaa Waxa Dalka Somaliland Ku Soo Badanaayay Salaadin Iskood Isku Cumamaaday Oo Aan Ku Imin Doorasho Iyo Maamus Ee Kaligood Iskugu Caano Shubay Sandalad Aan Jirin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tani Iyo Tariikhdu Markay Ahayd 2013 Ayaa Waxa Dalka Somaliland Ku Soo Badanaayay Salaadin Iskood Isku Cumamaaday Oo Aan Ku Imin Doorasho Iyo Maamus Ee Kaligood Iskugu Caano Shubay Sandalad Aan Jirin.


Sandaladu Waa Xil Maamuseed Iyo Xil Sharaf Soo Jireen Ah Oo Shaqadoodu Tahay,Ka Shaqaynta Isku Soo Dhawaynta Walalaha Wada Degga Dalka Iyo Xoojinta Nabadgaliyada, Lakiin Waxa Mudooyinkii Udanbeeyay Ku Batay Dhagaha Bulshada Shakhsiyaad Is Cumamaday Oo Ku Tiraabayaa Hadalo Ku Lid Ah Amaanka Dalka Iyo Wada Deganaashaha Dadka Walalaha Ah.

Salaadintan Iskood Isku Cumaamaday Ayaa Goobaha Fagaraha Iyo Warbaahinta La Soo Hor Istaaga Hadalo Dhiilo Ku Ah Geedisocodka Nabad-galyada Somaliland Ku Caanamashay,Taasi Oo Ay Usii Dheertahay Inanay Ka Diwaangashanayn Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ay Ka Diwaan Gashanyihiin Salaadiin Maamuseedka Loogu Caano Shubo.


Shacabka Somaliland Oo Ka Dhursugaysa Inay Taalaabo Ka Qaado Xukumadu Shakhsiyaadka Is Cumamaday Ee Sheeganaya Beelaha Dega Somaliland Iskuna Waydaarsanayaa Warbaahinta Hadalo Ubadan Cunfi,Qabyaalad Iyo Kale Foogaynta Bulshada Somaliland.

Xukumada Somaliland Oo Looga Fadhiyo Inay Xeerar Kasoo Saarto Joojinta Saladiinta Is Cumamada Si Ay Meesha Uga Baaxdo Hadalada Dhiilada Iyo Cunfiga Leh Ee Daashayday Dhagaha Shacabka Somaliland.