Afar Hablood Oo Hargeysa Ugu Xidhan Inay Ku Lebisteen Duruuc Ay Isku Midab Yihiin Calanka Soomaaliya & Waalidkooda Oo Farriin Codsi Ah U Diray.

0
Monday April 10, 2017 - 16:40:57 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Hablood Oo Hargeysa Ugu Xidhan Inay Ku Lebisteen Duruuc Ay Isku Midab Yihiin Calanka Soomaaliya & Waalidkooda Oo Farriin Codsi Ah U Diray.

    Hargeysa(AFKA);Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ayaa diidday in Xorriyaddooda loo soo celiyo Afar Hablood oo reer Somaliland ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ayaa diidday in Xorriyaddooda loo soo celiyo Afar Hablood oo reer Somaliland ah,

 kuwaasi oo Maxkamadda Gobolku ku wayday eedaymo ah inay ku Lebisteen Duruuc u Eg Calanka buluugga ah ee Dalka Soomaaliya.


Afartan Hablood oo Ciidammada Ammaanku xidheen 8-da bishii labaad ee Sannadkan, ayaa markii la hor-geeyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxba lagu waayey, waxayna Maxkamaddu amartay in Xorriyaddooda loo soo celiyo, laakiin Xukunka Maxkamadda Gobolka ka soo baxay Rafcaan ka qaatay Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Hargeysa, taasina waxay keentay in Afarta Hablood sii xidhnaadaan

Sidaana waxa Telefiishanka SAAB u sheegay Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ah Qareenka u doodaya Afarta Hablood ee ku eedeysan inay ku Lebisteen Dhar u Midab eg Calanka Soomaaliya, "Afartaa Hablood ee aan Qareenka u ahay waxa la xidhay 08/02/2017, waxaana uu Xafiiska Xeer ilaalinta ee Gobolka Maroodi-jeex uu ku soo eedeeyay Qodobka 321 ee Xeerka Ciqaabta guud. Kiiskaa waxa ka gar-naqday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waaxdeeda Ciqaabta, Garsoorihii Kiiskaa hayey, Doodahayagii Sharci iyo Difaacii aanu keenay, ee Hablahaa lagu eedeynayey inay Xidheen Calanka Soomaaliya (Marwo u eeg), balse aan xidhan ee xidhay Duruuc Shiid ah oo ay Hafto ku qaateen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, "Maxkamaddu waxay qiimeysay Caddeymihii uu Xafiiska Xeer ilaalintu hor-keenay iyo Caddaymihii ay Qareennada difaacaya eedaysanayaashu Maxkamadda horkeeneen, markaa Maxkamadda waxa u caddaatay in aanu dambi dhicin, eedaysanayaashuna aanay ahayn kuwo Dambigaa galay, waxayna Maxkamaddu Go’aansatay inay Xorriyaddooda u celiso dhammaan Eedaysanayaashaas, ka dib markii Maxkamaddu ku wayday Dadkaan Wakiilka u ahay dhammaan eedaymihii ka dhanka ahaa. Maxkamaddu markay Xorriyaddoodii u celisay Hablahaa Xeer ilaalintu waxay Xukunkii Maxkamadda ka qaadatay Rafcaan. Hablahan oo qaarkood aanay Qaan-gaadh ahayn waxay ku dhex Xanuunsanayaan Saldhigyada Booliiska, Maxkamadda Rafcaankuna waxay ka diidday in Dammaanad la siiyo.”

Daahir Sheekh Axmed oo dhalay mid ka mid Ah Afarta Hablood, ayaa isaguna sheegay in Hablaha xidhan ee Inantiisu ka mid tahay ay ku Lebisteen Duruuc ay Hafto ku qaateen oo isku Midab yihiin Calanka Soomaaliya, laakiin Inantiisa iyo Hablaha kale aanay Siyaasad waxba ka Aqoonin, "Dirac Buluug ah oo ay xidhatay baa lagu xidhay, waxaa Calanka Soomaaliya lagu tilmaamayaana waa Maro Shiinuhu soo sameeyay. Kitaab baan ku marayaa in aanay Siyaasad ba shaqo ku lahayn ee ay Dirac ahaan u iibsadeen. Madaxweynaha, Maxkamadda Sare iyo Dadka waxgaradka ah waxaan ka codsanayaa in Xorriyaddooda loo soo celiyo Hablahaa, Aabbo dhibban baan ahay oo intaaba ka daba-wareegayey.”ayuu yidhi.

Shukri Mahdi Shire oo ka mid ah Waalidiinta Hablaha Xidhan, ayaa iyaduna sheegtay "Afarta Hablood ee xidhan waxay ku xidhan yihiin Xaq-darro.” Ayay tidhi, iyadoo intaa ku dartay in Cid kasta oo Arrinta Hablahani khuseysaa ay ka codsanayaan in Hablahaa yaryar Xorriyaddooda loo soo celiyo.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer ilaalinta ee Rafcaanka ka qaatay Xukunka Maxkamadda Gobolku ku fasaxday Hablahan, ayaan isagu ka hadal eedaymaha loo jeediyey.