Daawo;Wasiirul Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Iyo Madaxa Hay'adda UNFPA Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Lagu Kaydin Doono Dawooyinka

0
Monday April 10, 2017 - 19:33:47 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;Wasiirul Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Iyo Madaxa Hay'adda UNFPA Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Lagu Kaydin Doono Dawooyinka

    Hargeysa(AFKA);Wasaarada caafimaadka somaliland ayaa maanta la wareegtay xarun loogu tala galay in lagu kaydiyo dawooyinka oo ay dhistay hay'adda UNFPA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasaarada caafimaadka somaliland ayaa maanta la wareegtay xarun loogu tala galay in lagu kaydiyo dawooyinka oo ay dhistay hay'adda UNFPA.

Sidoo kale hay’adda UNFPA ayaa gaadhi Ambullunce ah oo ka shaqayn doona xarunta ku wareejisay wasaarada caafimaadkadka somaliland.Wasiirul dawlaha wasaarada caafimaadka somaliland Maxamuud Aadan Jaamac iyo madaxa hay’adda UNFPA ee somaliland Nikolai Botev ayaa si wada jir ah xadhiga xadhiga uga jiray dhismahaasi.

Wasiirul dawlaha wasaarada caafimaadka Maxamuud Aadan Jaamac oo ka hadlay furitaanka xarunta ayaa u mahad celiyey hay’adda UNFPA ee hir gelisay waxaanu yidhi "Waxa maanta farxad noo ah inaanu la wareegno dhismahan loogu tala galay kaydinta dawooyinka, waxaanan



aad ugu mahad celinaynaa hay’adda UNFPA oo mudo badan noola shaqaynaysay si wanaagsan oo waxtar iyo tayaba leh, maantana waxaanu la wareegaynaa dhismahan, gaadhiga caafimaadka ee gargaarka deg dega ahna waa nalagu soo wareejinayaa.”

 

Sidoo kale madaxa hay’adda UNFPA ee somaliland iyo somaliya mr Nikolai Botev oo isaguna ka hadlay dhismaha iyo baabuurka ay ku wareejiyeen wasaarada caafimaadka somaliland, ayaa waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab joogaan wasaarada caafimaadka waxaanu yidhi " taageerada joogtada ah ee ay beesha caalamku ka siinayso somaliland dhinaca caafimaadka waa mid ay si wanaagsan uga shaqaynayso hay’adda UNFPA, guud ahaana somaliland waanu kala sii shaqayn doonaa adeegyada caafimaadka.”