Mareykanka Oo Sheegay Inuu Burburiyay 20% Diyaaradaha Dagaalka Suuriya.

0
Tuesday April 11, 2017 - 10:23:38 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Sheegay Inuu Burburiyay 20% Diyaaradaha Dagaalka Suuriya.

    Mareykanka Oo Sheegay Inuu Burburiyay 20% Diyaaradaha Dagaalka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka Oo Sheegay Inuu Burburiyay 20% Diyaaradaha Dagaalka Suuriya.

Mareykanka ayaa sheegay inay bur buriyeen 20% diyaaradaha dagaalka Suuriya, kaddib markii jimcihii la soo dhaafay ay duqeyn ku qaadeen xarumaha hubka kiimikada iyo diyaaradaha dagaalka ee ku yaalla dalkaas.


Suuriya ayaa lagu eedeeyay inay hubka kiimiko u isticmaashay duqeyn ay ka geysatay degmada Khan Sheikhoun ee ay gacanta ku hayaan Hubka kiimikada, kaasoo ay ku dhinteen illaa 89 ruux.

Xoghayaha difaaca Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in arrin aan wanaagsaneyn ay tahay hadii mar kale Suuriya laga adeegsado hubka kiimikada.

Mr Mattis ayaa sheegay in jawaabta ay ka bixiyeen hubka kiimikada ee ay isticmaashay Suuriya ay kentay inay bur buriyaan xarumaha difaaca cirka iyo 20% diyaaradaha dagaalka ay Suuriya adeegsado.

Waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya aanay Suuriya laheyn awood ay shidaal iyo gantaalo uga qaadato garoonka diyaaradaha Shayrat oo ah halka la aaminsan yahay inay ka duulaan diyaaradaha duqeynta ka fuliya goobaha mucaaradka.

Mareykanka ayaa Khamiistii hore 59 gantaal oo nooca cruise-ka ah ku diray garoonka Shayray, maalin ka dib markii uu dhacay weerarka kiimikada loo adeegsaday.