Maxaa looga hadlay kullankii Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi?

0 in by Burco Office
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kullankii Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi?

    Maxaa looga hadlay kullankii Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa looga hadlay kullankii Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi?
Talaado, April, 11, 2017 (afka) –Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa kullan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo hadda booqasho ku jooga Magaalladda Abu-Dubai.

Sheikh Mohammed iyo Farmaajo, ayaa ka wada hadlay xiriirka labada wadan iyo sara u qaadida danaha labada wadan ka dhexeeya.

Sidoo kale intii kullankooda uu socday, waxaa ay isla soo qaadeen hormarinta mashaariicda Imaaraadka uu ka fulinaayo gudaha Soomaaliya, kawada shaqeynta amniga, deganaashaha dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Qaeda.

"Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an sidii ay usii wadi laheeyd taageerida dhinaca amaanka, iyo sidii Soomaaliya ay u dhisan laheeyd hay’addaheeda dowliga ah”, ayuu yiri Sheikh Mohammed.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dadka qaar Maxey ka filayeen safarkii Madaxweynaha uu ku tagay Abu-Dubai ?

Soomaali badan ayaa kullamada madaxwynaha uu la qaadan doono madaxda Imaaraadka ka filayay in looga hadli doono saldhiga Imaaraadka ay damacsantahay in ay ka dhisato dekadda Berbera ee Soomaaliland.

Inkastoo madaxweynaha wali uu ku suganyahay Dubai, haddana kullamadii ugu horeeyay ee uu la qaatay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi laguma soo qaadin sida warbaahinta ay sheegtay arrimaha saldhiga military.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaalla Mooshin ay keeneen qaar ka mida Xildhibaanada oo ay uga soo horjeedaan Saldhigga Milatari ee Berbera.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.