Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Muqdisho.

0 in by Burco Office
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi "Farmaajo” ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kaddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.


Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu uu booqanayay dalka isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dalkaasi isagoo kala hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal.

Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugahan Imaaradda Abu-dubai shiikh Maxamed Bin Zayed ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xidhiidha ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Shiikh Maxamed bin Zayed wuxuu ballanqaaday inuu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.