Warbixin xiiso leh wariye si toos ah ugu jirtay baahinta warka Oo la soo daristay xaalada deg deg ah

0 in by Burco Office
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin xiiso leh wariye si toos ah ugu jirtay baahinta warka Oo la soo daristay xaalada deg deg ah

    Warbixin xiiso leh wariye si toos ah ugu jirtay baahinta warka Oo la soo daristay xaalada deg deg ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin xiiso leh wariye si toos ah ugu jirtay baahinta warka Oo la soo daristay xaalada deg deg ah

Suxufiyad si toos ah war uga akhrineysay TV ayaa waxaa la soo gudboonaatay xaalad naxdin iyo argagax leh ka dib markii ay ogaatay in ninkeeda uu ku geeriyooday war deg-deg ah oo ay si toos ah u jeedineysay.

Supreet Kaur oo 28 jir ah ayaa Sabtidii ina dhaaftay akhrinaysay warka subax ee ka baxayey talefishinka IBC-24 ee magaalada Chhattisgarh bariga dalka India.

Intii ay baahinta warka ku jirtay saxafiyadan ayaa waxaa soo dhacay War deg-deg ah oo ku saabsanaa shil gaari oo dhacay intii ay warka ku jirtey waxaana qadka toos u soo galay weriye goobta shilku ka dhacay gaaray oo faahfaahin ka bixinayay sida uu shilku u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

Weriyaha la wareysanayay ayaa sheegay in saddex ruux ay ku dhinteen shilka isagoo aan sheegin magacyadooda hase ahaatee saxafiyada Kaur ayaa fahamtay in dadka shilka ku geeriyooday uu ka mid ahaa seygeedii.

Supreet Kaur ayaa ogeyd in ninkeeda uu ku safrayey wadada shilku ka dhacay isaga iyo labo saaxibadiis ahna ay wateen gaariga noociisu uu ahaa Renault Duster, waxaana gaariga noociisa sii xaqiijiyey weriyaha goobta gaaray ee warka soo tebinayey.

Kaur ayaa sii waday dhamaystirka warkeeda iyadoo aan wax dareen ah muujin waxayna warka aqrisay toban daqiiqo oo kale balse markii ay dhamaysay oo laga wareejiyay kaamerooyinka ayay baroor afka labadiis yeertay.

Xarunta ay ka howlgalaysay shaqaalihii joogay ayaa markii ay ogaadeen dhacdada aad ula yaabay sida ay geesiyadan Kaur oo ah hooyo hal ilmo leh ugu adkeysatay warka naxdinta leh ee ay ogaatay intii ay warka jeedinysay.

Gudaha India, Warbaahita caalamka iyo baraha bulshada ayaa arintan si weyn looga hadal hayey labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna noqotay dhacdo soo jiidatay dareenka dad badan.






Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Post Views:20

 

Edit