Qaraxyo Oo Lagu Weeraray Bas Ay Saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Ee Borussia Dortmund.

0 in by Burco Office
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Oo Lagu Weeraray Bas Ay Saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Ee Borussia Dortmund.

    Qaraxyo Oo Lagu Weeraray Bas Ay Saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Ee Borussia Dortmund.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo Oo Lagu Weeraray Bas Ay Saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Ee Borussia Dortmund.

)-Saddex qarax ayaa lala beegsaday bas waday kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund, taasoo ciyaar ka tirsan rubuc dhammaadka horyaallada Yurub ku martigelin lahayd kooxda Monaco.


Madaxa booliska ee degmada Dortmund ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay kooxda.

Baska ayaa qaraxyada lala beegsaday xilli uu ciyaartooyda u waday garoonka.

Marc Bartra oo daafaca uga dheela kooxdaasi ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray gacanta, asagoo qalliin looga sameeyay, mana jiraan ciyaartooy kale oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Dacwad oogaha gobolkaasi ayaa sheegay in warqad laga helay meel u dhaw goobta ay weerarrada ka dhaceen, isla markaana ay baaritaan ku hayaan.

Kulanka labada koox ayaa la baajiyay, waxaana la dheeli doonaa caawa 7:45 fiidnimo SGA.

Taageerayaasha ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park ayaa loo sheegay in ay halkaa baaqi ku ahaadaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaankooda, ka dibna waa laga daadgureeyay.

Dadka ku nool Dortmund ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay jiif siiyaan taageerayaasha Monaco ee u baahan meel ay seexdaan.