Imaraadka Carabta Oo 500 Milyan Ugu Deeqay Dalka Soomaaliya.

0 in by Burco Office
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaraadka Carabta Oo 500 Milyan Ugu Deeqay Dalka Soomaaliya.

    Imaraadka Carabta Oo 500 Milyan Ugu Deeqay Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaraadka Carabta Oo 500 Milyan Ugu Deeqay Dalka Soomaaliya.

-Hay’adda bisha cas ee dalka imaraadka Carabta ayaa bilowday olole lagu ururinayo lacag gaadhaysa 500 milyan oo dirham oo dhiganta 136 milyan dollar, taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.


Ololahan oo loo magac daray SOOMAALIYA DARTEED ayaa hay’adu waxay ka bilowday guud ahaan dalka imaraadka, iyadoo rajanaysa inay ururiso lacag gaaraysa 400 milyan oo dirham oo la filayo inay ku deeqaan hay’adaha dadka caawiya ee dalkaasi, ganacsatada iyo dadka wadankaasi, waxaa kaloo hay’adu ay qoondaysay 100 milyan oo dirham.

Dr Maxamed Catiiq Al-fahli oo ah xoghayaha guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadka oo shir jaraa’id ku qabtay Abu-dubai ayaa sheegay in xaalad qalafsan oo ay abaartu sababtay ay ka jirto Soomaaliya, loona baahan yahay in gargaarka deg deg ah

dhinaca kale, Hay’ada bisha Cas waxay qabanqaabisay barnaamiji toos loogu soo bandhigi doona saamaynta abaaraha ee dadka Soomaaliyeed, kaasi oo laga baahin doono telefishanada dalka Imaraadka 21 bishan april, iyadoo la filayo in ururinta lacagta la soo gabagabeeyo inta aan la gaarin bisha Ramadan.

Gabagabadii, hay’adda bisha Cas waxay sheegtay in ganacsatada iyo dadka kale doonaya inay lacag ku deeqaan ay ku soo diri karaan Fariimaha SMS, Internetka iyo mutadawiciin soo ururin doona lacagta, iyagoo gacan ka helaya Gudiga warbaahinta Imaraadka, shirkada telefoonadda ee Etisalat iyo Hay’addaha gargaarka ee Dalkaasi.